Magaalooyinka Cajiibka Ah Ee Caalamka

0
512

Monowi waa magaalo ku taalla dalka Maraykanka, sanadkii 2010 tirokoobkii la sameeyay waxa ku noolaa hal qof oo keliya oo ahayd islaanta lagu magacaabo Elsie Eiler. Inkasta oo tirokoobkii u danbeeyay ee sanadkii 2020 ay ku soo kordheen laba qof oo kale.

Sanadihii ay ugu dadka badnayd magaaladan waxa ay sanadkii 1930 , wakhtigaasi oo tirade dadka ku nooli ay gaadheen 150 qof.

Sanadkii 2000 tirokoobkii la qaaday waxa ku nool oo keliya laba qof oo lamaane ah oo ahaa Rudy iyo Elsie Eiler, oo ah islaanta weli iyadu deggan. Ninkeeda Rudy ayaa dhintay sanadkii 2004.

Islaantu waxa ay shaqaysa sidii Mayarnimo, iyadoo nafteeda siisa hadba warqadda aqoonsi ee ay u baahan tahay madaama aanay jirin qof kale oo ay siisaa. Waxa kale oo ay iska bixisaa cashuurta ku waajibtay ee looga baahan yahay, iyada ayaa shatiga isu jarta oo sexeexda, haddana Accountka (khasnadda) magaaladda ku shubta.

Waxa hadda looga baahan yahay in ay soo saarto qorshaha wadooyinka sanad kasta si ay u hesho maalgelinta gobolka  .

Magaaladu waxa ku yaalla Baar lagu magacaabo Monowi Tavern oo ay maamusho islaanta Eiler, kaasi oo loogu talo galay dadka socotada iyo dalxiisayaasha magaalada imanaya. Waxa kale oo Eiler ay maamusha maktabadda Rudy oo ah ta keliya ee ku talla magaalada. Islaantan oo wakhtigan da’deedu gaadhay 84 sano, haddana shaqada ay ka qabato magaaladan ee keligeed degan tahay ayaa isugu jirta mid maamul iyo mid shicib iyadoo labadaba iyadu metelayso.

Xafiiska tirokoobka Maraykanka ayaa sheegay in aanu weli jirin qof labaad oo si rasmi ah u deganaasho uga samaystay magaalada ay Mayar iyo booliis ka tahay Islaanta Elier. Magaaladan sida la sheegay waxa ay dadku uga hayaameen ka dib markii ay xumaatay jawigeedu.

Magaalo iyaduna ku taalla dalka Kanada webiga Jord dhinciisa, ayaa ah mid aad u qurux badan, oo leh dhul xeebeed dalxiiska ku fiican. Magaaladan dadkii degenaa dhamaantood way iskaga guureen iyagoo dhismayaashii quruxda badna ay cidlo noqdeen. Magaaladan quruxda badan waxa ku noolaa sanadkii 2017, oday keliya oo 72 sano jiray oo lagu magacaabo Hughes Byte, odaygan ayaa qoyskiisa ka diiday inuu isagu ka guuro magaaladan. Waxaana uu sheegay inuu maalinba guriga uu doono iska dego oo uu iskaga noolaado iyado. Dadkii magaaladan degena ay u guureen magaalooyin kale ka dib markii uu batay dhul gariirku kaasi oo keenay inay magaaldu burburto isla markaana fataahado ka dhacaan.

Leave a Reply