Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Soo Dhaweeyay Wufuud ka Socda Jabuuti iyo Itoobiya

0
813

Hargeysa (Dawan) Taliyaha guud ee Ciidanka Qaranka JSL Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa dhambaal hambalyo u diray Ciidanka & Xaasaskooda, ayaa soo dhoweeyey wufuud ka kooban Ciidamada wadamadda jaarka ee Jabuuti iyo Itoobiya oo lagu soo martiqaaday ka qeybgalka munaasibada maanta.

Saraakiisha ugu sarraysa ciidamada dalka Jabuuti ayaa shalay soo gaadhay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana uu ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha  magaalada Hargeysa ee Cigaal  Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayey ku wehelinayeen Taliyaha Ciidanka Booliiska Sarreeye Gaas Maxamed Adan Saqadhi, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Axmed Cawaale Libaax, Taliyaha Laanta Socdaalka Sarreeye Guuto Dayib Cismaan Caalin iyo Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Maxamed Faarax Xiirane., wasiirka gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye iyo Wasiirka shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Mustafe Cali Bile.

Wefdiga ciidanka Jabuuti oo u hogaaminayey Taliye-xigeenka Ciidanka Milateriga General Tahar Cali Maxamed, qeybna ka ahaayeen Taliyaha Ciidanka Jamhuuriga Jabuuti Col. Maxamed Jaamac Ducaale, Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Kornel C/llaahi Cabdi, Taliyaha Ciidanka Cirka Jabuuti Col Wahiib Musa, Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Wais Cumar Bogoreh iyo saraakiil sarsare oo ciidamada kala duwan ee dalka Jabuuti ka tirsan  oo dalka u yimid ka qayb galka xuska sannad-guurada 28-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska ciidamada Somaliland, ee maanta.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland General Nuux oo Saxaafadda kula hadlay   VIP-da ee madaarka caalamiga ah ee Cigaal halkaas oo ay saxaafada uga warbixiyeen ayaa yidhi “Waxaan fursadan qaaliga ah kaga faa’iidaysanayaa in aan ku soo dhaweeyo wefdiga Ciidanka Militariga Jabuuti ee uu hoggaaminayo General Tahir Cali Maxamed.

Taliye Nuux oo ka hadlayey imaatinka wefdiga dalka Jabuuti ayaa sheegay inay muujinayso sida dawladda Jabuuti ay qiimaynayso horumarka ay ku tallaabsadeen ciidamada Somaliland, sidaa awgeed socdaalkoodu uu calaamad wanaagsan u yahay xidhiidhka labada dal ee jaarka ah. Jabuuti iyo Somaliland waxa ka dhexeeya xidhiidh gaar ah oo ay iska kaashadaan dhinacyo badan, sida amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada socdaalka.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Milatariga Jabuuti General Tahar Cali Maxamed oo ka mahad celinayey soo dhawaynta weftigooda waxaanu yidhi “ Socdaalka aanu ku nimid Somaliland waxay muujinaysaa walaalnimada labada dal, waxaanan hambalyo iyo bogaadin u diyaraa saraakiisha iyo ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”

Sidoo kale Taliyaha Hoggaanka guud ee Nabadgelyada  Itoobiya iyo wefti saraakiil ah oo uu haggaaminayo ayaa dalka lagu soo dhaweeyay, si ay uga qaybgalaan sannad-guurada 28-aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland.

Somaliland waxay kobcisay xidhiidh wanaagsan oo ay la yeelato deriskeeda sannadihii la soo dhaafay. Waxaana imaansha Weftigan heerka sare ah ee ciidanku ay ka marag kacayaan in Somaliland xidhiidh wanaagsan la leedahay dhammaan dalalka.

Sidoo kale, Taliye Nuux oo warbaahinta la hadlay shalay ayaa hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil-xigeenada, aliflayda iyo dablayda, iyo xaasaskooda, la xidhiidha sannadguuradda 28aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Qaranka 2da February, oo maanta ku beegan. Waxuu ciidanka iyo xaasaskooda ugu duceeyey in Ilaahay SW sannadkan ka xiga ku gaadhsiiyo bashbash iyo barwaaqo.

Dhinaca kale, Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ee Somaliland ayaa shalay dil toogasho ah ku xukuntay Alifle-Maxamed Axmed Cabdillaahi, ka dib markii ay maxkamda u cadaatay oo lagu helay in uu dilay AHN Gaashaanle dhexe Cabdirisaaq Dalmar oo ahaa Taliyihii Guutada Gamadiid ee Xerada Ciidamada Qaranka JSL ee magaalada Goroyo-Cawl.

 

 

Leave a Reply