Urur-siyaasaddeedka SPP oo hadhimo-sharafeed ku maamusay guddidii qabanqaabada Xaflada shaacinta

0
307

Aasaaseyaasha Urur-siyaasaddeedka Shacabka Somaliland (SPP) oo uu hogaaminayo guddoomiyahooda Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa hadhimo-sharafeed ku maamusay maanta oo Arbaco ah guddidii qabanqaabisay Xaflada shaacinta ururkaasi oo Magaalada Hargeysa ka qabsoontay 29/01/2022.

Munasibada hadhimo-sharafeedka ah oo ka qabsoontay Hudheelka Lak asal Hargeysa, ayaa waxa ka soo qaybgalay guddoomiyaha ururka, xubno kamida hogaanka sare ee ururka iyo guddidii qabanqaabisay madashii lagu shaaciyey.

Prof. Yuusuf Cismaan Garas oo ku hadlayey afka aasaaseyaasha oo ugu horayn halkaasi ka hadlay, ayaa u mahad celiyey xubnaha guddida qabanqaabada oo uu sheegay inay qabteen hawl mug iyo miisaan leh oo laga dheehanayey quruxdii iyo muuqaalkii xafladdii ay diyaariyeen.

Yuusuf Garas, ayaa intaasi ku daray in hawsha Ururku ay bilow tahay, loona baahan yahay in gacmo wada jira lagu socdo “anigoo ku hadlaya afka aasaaseyaasha Ururka Shacabka Somaliland (Somaliland People’s party) waxaan u mahad-naqayaa oo aan xubnihii qabanqaabiyey munaasibadii balaadhnayd ee inoo qabsoontay 29/01/2022, gaar ahaan haweenka, hablaha qaaliga ah oo la’aantood aanay xafladdaasi yeellateen quruxdii iyo miisaankii ay lahayd”

Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-shiine) oo kamida masuuliyiinta Ururka oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Ururka SPP uu u taagan yahay middaynta qaranka Somaliland, isla markaana aasaaskiisa ay udub-dhexaad u yihiin haweenka iyo dhalinyaradu.

Mustafe Shiine waxa uu jawaab ka bixiyey hadallo ka soo yeedhay asxaabta mucaaridka oo sida uu sheegay ka sasay aasaaska ururka SPP, gaar ahaan xisbiga WADDANI oo sida muuqata wali liqi la’ furida ururrada siyaasadda.
“qolada xisbiyada mucaaridka waxaan leeyahay Ururradii way furan yihiin, tartankuna wuu furan yahay, Ururka SPP maaha mid lagu dacaayadayn karo inuu cid dabada ku hayo, iyagaa qolada Kulmiye ka yaacday ee Inqilaabka isku dayey inay sameeyaan, berigii hore xisbiyo kale sii samaystay oo maal-geliyey, madaxweynahana waxaa lagu dacaayadeeyaa inuu dhaqaalaha handaraabay, markaa lagama yaabo inuu lacag ku bixiyo ururro dad samaysteen”ayuu yidhi Mustafe Shiine.

Xildhibaan hore Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo kamid ahaa golihii Wakiillada ee sanadkii hore xilka ka degay, sidoo kalena ka tirsanaa xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, oo xafladdaasi hadal ka jeediyey, ayaa sheegay inuu si rasmi ah ugu biiray Ururka SPP, kaddib markii uu ku qancay siyaasaddiisa iyo dadka hogaaminaya.

Xildhibaan Tukaale waxa uu intaasi ku daray “maanta laga bilaabo waxaan kamid ahay ururkan SPP, shacbiga reer Gabiley waxaan leeyahay waxa aynu mataanaynaa Buuhoodle iyo gobolka Gabiley, waxaanan rajeynaynaa inuu xisbi noqon doono inshaalah”ayuu yidhi.

Marwo Nadiira oo kamid ahayd Guddida qabanqaabada Xafladdii shaacinta Ururka, ayaa dhankeeda sheegtay inay garabka Haweenku diyaar u yihiin sidii uu ururku ugu gudbi lahaa heerka xisbinimo “hawshu bilowbay taagan tahay, shaqo badan ayaa inoo hadhay, waxa aanu diyaar u nahay hadh iyo habeenba dhismaha ururka” ayey tidhi Marwo Nadiira oo ku hadashay afka garabka Haweenka ee Ururka SPP.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Ururka Shacabka Somaliland (SPP), Saleeban Ciise Axmed Xaglo-toosiye, ayaa uga mahad naqay shaqada culus ee ay qabteen guddida madasha lagu casuumay,waxaanu kula dardaarmay inay tacabka iyo tamarta ay geliyeen dhismaha ururka sii laba jibaaraan, isagoo balanqaaday inuu isaguna ku hogaamin doono hab masuuliyad iyo ixtiraam leh “Haween iyo ragba Ururkan waa mid la wada leeyahay oo aan qofna laga lahayn, sidaas darteed waxa inoo balan ah wada-shaqayn dhamaanteen”ayuu ku booriyey madaxda iyo xubnaha ururka ee xafladda ku sugnaa.

Leave a Reply