Hargeysa(Dawan)-Xildhibaan hore Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo kamid ahaa golihii Wakiillada ee sanadkii hore xilka ka degay, sidoo kalena ka tirsanaa xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa shaaciyey shalay inuu ka baxay Xisbigaa uu ka tirsanaa ee WADDANI, xilli uu hadal ka jeedinayey munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay inuu si rasmi ah ugu biiray Urur-siyaasaddeedka SPP oo todobaadkan lagaga dhawaaqay dalka.
Xildhibaan Bashiir Tukaale oo kamida mudaneyaashii laga soo doortay gobolka Maroodi-jeex sanadkii 2005, gaar ahaan degmada Gabiley, waxa uu tilmaamay in kaddib markii uu ku qancay siyaasaddiisa iyo dadka hogaaminaya ururka shacabka Somaliland uu go’aansaday inuu cod iyo cududba kula bahoobo, kana baxo Xisbiga WADDANI.
Bashiir Tukaale, ayaa intaasi ku daray in ururka SPP uu ka turjumayo midnimada iyo wax wada lahaanshiyaha qaranka Somaliland, waxaanu ugu baaqay taageerayaashiisa iyo shacabka somalilandba inay ka qayb-qaataan dhismaha Ururkaasi oo ay codkooda siiyaan marka la gaadho doorashada Ururrada.
Xildhibaan Tukaale waxa uu intaasi ku daray “maanta (shalay) laga bilaabo waxaan kamid ahay ururkan SPP, shacbiga reer Gabiley waxaan leeyahay waxa aynu mataanaynaa Buuhoodle iyo gobolka Gabiley, waxaanan rajeynaynaa inuu xisbi noqon doono inshaalah”ayuu yidhi.
Md. Bashiir Tukaale waxa uu ku ammaanay aasaaseyaasha Ururka Somaliland People’s party (SPP) ee uu hogaaminayo Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) tacabka iyo tamarta baaxada leh ee ay geliyeen dhismaha ururkan.
Hadalka Mudane bashiir Tukaale, ayaa imanaya xilli uu dhaqdhaqaaqa siyaasadda ee furashada ururradu uu bilow yahay, isla markaana uu fursad u noqday siyaasiyiin badan oo ku tirsanaa saddexda xisbi qaran ee hadda jira, balse aan ku qanacsanayn siyaasad ahaan, kuwaasoo la jaan-qaadaya geediga cusub ee doorashada asxaabta qaranka.






















