Wasiirka Khaarajiga oo bayaamiyey hadafka Madaxweynaha JSL ee Xidhiidhka Dalka Maraykanka

0
421

Hargeysa- Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga Dr Ciise Keyd Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi soo dhoweynayo imaatinka Maraykanka ee Berbera, taasoo sugi doonta amaanka marin badda Somaliland.

Warbixin dheer oo Wargeyska Washigton Post shalay ka qoray faa’iidooyinka ku jira xidhiidh dhow oo dalka Maraykanku la yeesho dalka Somaliland, oo cinwaan looga dhigay “Somaliland waxay u fidinaysaa ciidamada Maraykanka adeegsiga Dekeda, Garoonka Diyaaradaha, si ay aqoonsi u gaadhaan” oo qeybtii khusaysay wareysiga Wasiirka Arrimaha dibedda Dr Ciise idiin soo gudbinay, ayuu yidhi “Madaxweynuhu waxa uu si dhab ah u soo dhawaynayaa joogitaanka Maraykanka iyo ilaalinta marin-biyoodka,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd oo waraysi siiyay wargeyska Washington Post..

Somaliland, oo ah dal nabdoon, kana duwan Soomaaliya oo colaadahu ragaadiyeen ayaa fursad u siinaya Maraykanka adeegsiga dekedda iyo garoon diyaaradeed eegaya marinnada istaraatiijiga ah ee badda si ay ugu beddeshaan talaabo aqoonsiyeed ka dhigaya dal madaxbanaan.

Warbixinta wargeyska Washington Post ayaa la raaciyey “Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo rajaynaya inuu ka faa’iidaysto walaaca sii kordhaya ee Maraykanku ka qabo is-balaadhinta Shiinaha ee Afrika, ayaa waxuu qorsheynayaa socdaal uu bisha saddexaad ee March ku tago magaalada Washington, ujeedadiisu ku jirto danno lays-dhaafsado iyo adeegsiga Maraykanka ee dekedda Berbera, magaalo ku taala Gacanka Carbeed, oo ah marin muhiim ah oo isku xidha Badweynta Hindiya, Kanaalka Suweys iyo Badda Mediterranean-ka.

“Waa muhiim inuu Mareykanku muujiyo doonistiisa oo ka falceliyaa,” ayuu yidhi Wasiir Dr. Kayd.

Somaliland ayaa u aragta in tartanka quwadda waaweyni uu fure u yahay xaqiijinta maqaamka caalamiga ah ee ay muddada dheer raadinayeen.

“Haddii Shiinuhu uu xoog ama hab kale ugu hollado dalkeenna Somaliland, markaa marin-biyoodyadu waxay halis u yihiin Shiinaha,” ayuu raaciyey Dr. Kayd, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Somaliland oo aaminsan in fursadahooda ku guulaysiga aqoonsi iyo kursi ay ka helaan Qaramadda Midoobay aanay dhoweyn xilligan, taa beddelkeeda, iyaga iyo xulafadooda Washington waxay raadinayaan tallaabooyin ku-meel-gaadh ah oo u fududeeya sidii ay macaamil tooska u dhexmari lahaa Somaliland iyo dawladaha kale.

“Gaadhitaanka Ictiraafka ka sokow, yoolkeena ugu weyni waa helitaanka la macaamilka caalamka,” ayuu yidhi Mr. Kayd.

Somaliland waxay hore u muujisay inay door bidayso la jaal-noqoshada wadamadda Reer Galbeedka, waxaanu xidhiidh dublamaasi dhexmaray dalka Taiwan 2020, talaabo dhirbaaxo ku noqotay Beijing, oo jasiiradda Taiwan u haysata qayb ka mid ah Shiinaha.

Si lama filaan ah, dadka daneeya Shiinaha, balse aan dan ka lahayn qaarada Afrika ayaa fiiro gaar ah u yeeshay “ayuu yidhi J. Peter Pham, dublamaasi hore oo Maraykan ah.

 

 

 

Leave a Reply