Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland: Waraysi

0
387

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland oo marti qaad rasimi ah ka helay dawladda dalka Djibouti ayaa kulamo la qaatay Guddoomiyaha iyo madaxda sare ee Bangiga dhee ee dalka Djibouti, waxaanu sheegay in kulamadaasi lagu falo-guray xidhiidhka iyo wadashaqaynta dalaba dal.

Guddoomiyaha Baniga dhexe Jamhuuriyadda Somaland ayaa sheegay in xidhiidh wada shaqayneed ka dhexeeyo bangiyada dhexe ee Somaliland iyo Jabuuti, muddadii ay ku sugnaayeen dalka Jabuutina ay ka wada hadleen madaxda Bangiga Dhexe ee dalkaasi arriomo ay ka mid yihiin dardargelinta wada-shaqada, dhamaystirka shuruucda, dub u habaynta laamaha iyo xidhiidhka caalamiga.

Wariye Cabdikariin Siciid Saalax oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa warisi la yeeshay guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyada Somaliland oo marti qaad rasmi ah ka helay dawlada dalkaasi Jabuuti, waxaanu ugu horrayn waydiiyay in uu warbixin ka siiyo Taariikhdiisa oo kooban.

Guddoomiyaha baanka dhexe ee Jabuuti oo su’aashaasi ka jawaabayayna waxa uu yidhi “Anigu waxaan ku dhashay Somaliland, gaar ahaan Gobolka Maroodijeex, laakiin waxaan wax ku soo bartay dalka dibediisa, dhawr iyo labaatan sanno ayaan ka maqnaa dalka, iminkana waxaan ku sugnaa labataneeye sanno oo dhow dhow.”

Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal nuxurkeedu ahaa waxyaabaha ay ka wada hadleen madaxda dalka Jabuuti ee ay kulmeen iyo midhaha ka soo baxay kulamadaasi ayaa ku jawaabay waxa uu yidhi “sidaad ogtahay socdaal baanu ku nimi todobaadkii hore dalka Jamhuuriyadda Djibouti aniga iyo wefti aan hoggaaminayo oo ka socday Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanaan ku nimi martiqaad aanu ka helay dalka Djibouti, gaar ahaan Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Djibouti, anigoo runtii aad iyo aad uga mahad celinaya xukuumadda Djibouti, shacabka reer Djibouti, gaar ahaan guddoomiyaha, ku xigeenka iyo shaqaalaha Baanka Dhexe ee Djibouti oo si fiican oo walaalnimo iyo gobonimo leh noo dhaweeyay, mudadii aanu halkan joognayna runtii nagala qayb qaatay hawlihii aanu u nimi iyo Safaaradda Somaliland ee aynu halkan ku leenahay oo safiirka iyo shaqaalihiisuba si hagar la’aana noola shaqeeyay, qaybna ka ahaa socdaalkayaga diyaarintiisa.

Markaa runtii ujeedada aanu u nimid waxa weeye martiqaadkaas aanu ka helay walaalahayo Djibouti oo runtii xidhiidh dheeri inaga dhexeeyo, oo walaaltinino inaga dhaxayso, oo wadashaqayni inaga dhaxayso oo Baanka dhexe ee Djibouti iyo Bangiyada kale ee halkab ku yaal ee gaarka loo leeyahayba. Markaa si aan u sii dardar gelino wada shaqaynta naga dhaxaysa iyo walaaltinimada ayaanu runtii halkan u nimi aniga iyo weftiga aan hoggaaminayaaba.”

Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay waxyaabaha ay iska kaashan Baananka dhexe ee Djibouti Somaliland ayaa ku jawaabay sidan:[- “Walaahi dhinacyo badan baan iska kaashan karnaa, waayo labada bangi waa bangiyadii dhexe, bangiyada dhexena waa bangiyada shuruucda u qaabilsan, waxay u qaabilsanyihiin bangiyada kale kobciyaan, inay wada shaqeeyaan. Bangiga dhexe ee Djibouti wada shaqayn baa naga dhaxaysay ee maaha wax imika bilaabmaya.

Waxaan ka taaban karaa runtii inaanu iska kaashano xoojinta shuruucda, Bangiga Djibouti wuu inaga qaddiinsanyahay waanuu iñaga waayo aragsanyahay, markaa in xirfadda lays weydaarsado; aqoonta lays weydaarsado; laga wada shaqeeyo wixii shuruuca sida ka hortagga lacagaha la maydho, iyo wixii bangiga Djibouti aynu ka kasban karo. Markaa inaga ganacsateedeenu markay doonayaan inay la xidhiidhaan bangiyada caalamiga ah wakiillo kuma lihin, markaa sidii bandigaga Djibouti inoogala shaqayn lahaa arriilmahaas baa u badnaa kuwii aanu ka wada hadalnay.

Guddoomiyaha oo ka jawaabay waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilka hayay ayaa ku jawaabay “Bangiga dhexe waa Hay’adaha qaranka ee taabogalay; oo Institution ahaan iyo shuruuc ahaanba dhisan. Markaa mudadii aanu joognay aniga iyo agaasimka kaleba runtii guddoomiyaha iyo agaasimka guudba wax badan oo aanu qabanay way jiraan; dardargelinta shaqada, dhamaystirka shuruucda wixii qabyo ah, dub u habaynta laamaha iyo xidhiidhka caalamiga ah oo runtii halkan aanu joogno iyo safar aanu ku tagnay dalka Itoobiya oo aanu bangiyadiisa aanu la kulanay kuwa xukuumadda iyo isku xidhka bangiyada gaarka loo leeyahay ee ku yaal dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxyaabaha aanu ka qayb qaadano ayay ka mid tahay runtii iyo guud ahaan shaqada iyo kobcinta Baanka Dhexe.”

 

 

Leave a Reply