Dawlad Qofka Istalaala Siinayso Dibi Weyn

0
454

Degmo ku taal waqooyiga Thailand ayaa bilawday olole bakhtiyaa nasiib ah oo dadka iska tallaalay ay ku guulaysanaan Neef sac oo nool toddobaad kasta, si kor loogu qaado ololaha tallaalka COVID-19 ee deegaanka.

Degmada Mae Chaem ee ka tirsan gobolka Chiang Mai ayaa si aan kala sooc lahayn looga dooran doonaa toddobaad kasta qof  ka mid ah dadka is talaalay si uu ugu guuleysto sac da’yar oo qiimihiisu dhan yahay yahay 10,000 baht lacagta Thailand oo dhiganta .($319).

Ololahan, ayaa socon doona muddo 24 toddobaad ah, waxaana si xamaasad leh looga dareemay magaalada iyadoo dad tiro badan is diiwan geliyeen  markii lagu dhawaaqay horaantii todobaadkan.

“Lambarada diiwaan gelinta tallaalka waxa ay dhaafeen boqolaal ilaa ay gaadheen kumanaan dhowr maalmood gudahood,” madaxa degmada Boonlue Thamtharanurak oo u waramayay Wakaaladda wararka Reuters ayaa yidhi:  “Reer miyigu waxa ay jecel yihiin lo’da, waayo lo’da waxaa lagu iibin karaa lacag caddaan ah.”.

In ka badan 4,000 oo qof oo ay ku jiraan dadka mudnaanta leh, ee da’doodu ka weyn tahay 60-sano iyo kuwa hore u lahaan jiray xaalado, ayaa mar hore isu diiwaangeliyay tallaalkooda, sida uu sheegay madaxa Boonlue.

Thailand gobol kale ayaa iyaguna dadka ku dhirgeliyay inay siiyaan dahab iyo qiimo dhimis loo sameeyo haddii ay talaalka qaataan.

Leave a Reply