Taliyaha Ciidanka Qaranka Hadlay Horumarka Ciidanka

0
704

Hargeysa (Dawan)- Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ka warramay horumarka uu Ciidanka Qaranku ku tallaabsaday, duruufaha kala duwan ee uu ku soo shaqeeyey, heerka uu maanta taagan yahay iyo sida uu astaanta ugu yahay haybadda iyo horumarka qaranka, waxana uu caddeeyey inay Jamhuuriyadda Somaliland, haysato cudud ciidan oo ku filan, tabobar casri ah qaba, waajibaadkii saarnaana gudanaya.

Taliye Nuux oo sharaxaad ka bixinayey muhiimada munaasibada ayaa sheegay inuu afar qeybood u kala qaadayo, waxaanu ku bilaabay, “Mudane Madaxweyne, 1914-kii waxa la aasaasay ciidankii Rakuublayda (Camel Corps) loo yaqaanay ee Awr-ta rarran jiray, muddo 28 sannadood ayuu shaqeynayey, waa la baabi’iyey. Waxa xigay ciidankii Somaliland Scout ayaa la aasaasay waxuu shaqeynayey 18 sannadood. Ka dib waxuu noqday Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed, markii aynu la midownay Soomaaliya, waxuu shaqeynayey muddo soddon sannadood ah.

Taliye Nuux oo shacabka dib u xusuusinayey yagleelkii Ciidanka Qaranka iyo duruufahii keenay ayaa sheegay inay danni keentay markii shacabku dhibaatooyin kala kulmay deydeygii, waxaanu yidhi, “Dawladii AHN Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali oo dal burbursan dhaxashay, uma suurtoobin inay ciidan abuurto.

Mar uu ka hadlayey waajibaadka Ciidanka Qaranka ayuu sheegay Taliye Nuux inay ka mid yihiin ilaalinta iyo difaacida xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland, madaxbanaanideeda, dadkeeda, dalkeeda iyo dawladdnimadeeda. Sidoo kale waxay taageeraan hay’adaha dawliga marka loo baahdo.

Taliye Nuux oo ka hadlayey dhistaanka aqoonta ciidanka iyo talaabooyinka ay u qaadeen ayaa sheegay inay dufcado kala duwan wax ku bareen kuliyadaha ciidamada kala duwan ee dalka ku yaala, sida saraakiil xigeenadda oo u sheegay inay muhiim u yihiin ciidanka. Waxuu kaloo sheegay inay ku dedaaleen inta awoodooda inay kordhiyaan kaabayaasha dhismaha ee Ciidanka, meelo kala duwan ka fuliyeen, ka mid tahay gurri miiska saraakiisha oo magaalada Burco ay ciidanka uga dhisayaan, qalabayntiina u hadhay.

Mar uu ka hadlayey xukuumadahii soo maray dalka iyo kaalmahii ay ku lahaayeen horumarka Ciidanka Qaranka ayuu sheegay Taliye Nuux, “Dawladii AHN Madaxweyne Cigaal, ciidankii ayuu uruuriyey, laakiin, saddexdii Madaxweyne ee kala dambeeyey Md. Daahir Rayaale Kaahin, Md. Axmed Maxamed Siilanyo iyo Md. Muuse Biixi Cabdi ayuu Ciidanka Qaranku horumar muuqda gaadhay, oo madaxweyne walba kaalin ka geystay.

Taliye Nuux oo la hadlaya Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi ayaa sheegay inuu yahay masuul derajo sare ka gaadhay Ciidamada, isagoo raaciyey, “Md Madaxweyne, adogoo derejada ciidanka meel sare ka gaadhay, oo si weyna u garan kara halka aanu taagan nahay, iyo waxa naga dhiman, waxaan aaminsannahay inaad wax weyn ciidanka u kordhisay, taasoo waaya-aragnimadaada ciidamada kuu sahlayso.”

Waxuu sheegay in Ciidanka Qaranku kaalmo muuqda ka qaatay waxqabadka dalka, deegaamo badan oo beelo walaalo ah khilaaf ku dhexmarayna mudooyin badan ku dhexjireen ilaa la heshiisiiyo. Sidoo kalena doorashooyinkii dalka ka dhacay kaalmahii kaga beegnaa ka qaateen.

Taliye Nuux oo ka hadlayey baahiyaadka dhinaca caafimaadka Ciidanka Qaranka iyo sida wax kastoo loo heli karo loogu huray in Ciidanka Qaranku helaan adeegyad acaafimaaa ay u baahdaan dalka iyo dibedda, oo uu ku bogaadiyey taageerada Madaxweynaha JSL Md Muuse ka qaatay, waxuu sheegay inay ku guulasyteen dhismaha iyo qalabaynta cusbitaal weyn oo Ciidanka Qaranku leeyahay, isla markaana fuliya adeegyada caafimaad loo baahdo.

Gunaanadkii Taliye Nuux ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo shirkado waddani ah oo taageero ka geystay dhismaha jidka soo gala xarunta Taliska Ciidanka Qaranka, sidoo kalena u mahadcelinayo Wasiirka Maaliyadda iyo xafiiska xisaabiyaha oo marwalba u fududeeya Ciidanka baahiyaadkooda, kagana helaan mushaharooyinka intaan la gaadhin dhamaadka bisha, Gudoomiyaha Hay’adda Aafooyinka iyo Maayirka Caasimada taageeradiisa joogtada ah.

Dhinaca kale, munaasibado lagu xusayey sannadguurada 28aad eek a soo wareegtay aasaaska Ciidanka Qaranka ayaa lagu qabtay dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka, taasoo Ciidanka Qaranka ee deegaamada iyo madaxda heer Gobol iyo degmo kala qeybgaleen, taasoo ka dhigtay munaasibad dalka oo dhan shalay laga xusay, loogana mahadceliyey dhamaan xubnaha Ciidanka Qaranka kaalintooda.

 

 

 

Leave a Reply