Sheekh Maxamed Haybe oo sheegay in 720-milyen oo Dollar sannadkii Daroogada QAADKA innagaga baxaan

0
333

Hargeysa (Dawan) Sheekh Muxumed Haybe Geelle, kana mida culimada waa weyn ee reer Somaliland, ayaa sheegay in hantida ugu badani ay Somaliland kaga baxdo israaf, taasi oo uu caddeeyay in lacag ka badan laba milyen oo dollar ay innagaga baxaan daroogada Qaadka.

Sidoo kale sheekhu waxa uu tilmaamay in sannadkii marka lacagta qaadka innagaga baxda la isu geeyo ay noqonayso toddoba boqol iyo labataan milyen oo dollar, isaga oo xusay in marka laga soo qaado in hal milyan ay maalintii qayilaan, qaadna ay ku iibsadaan laba dollar ay sidaasi noqonayso.

Sheekhu waxa uu soo jeediyay  in lacagta intaas le’eg ee israafka innagaga baxaysa, isla markaana lagu qayilayo haddii la ururinlahaa, in  lagu dhisilahaa, jaamacado, cisbitaalo, abaarta, biyo la’aanta iyo dhibaatadana lagaga bixi lahaa.

Waxaa uu sheekhu sidan ka sheegay khubadii Jimcaha ee Masjidul Rashiid oo uu maanta kaga hadlayay dadka ILLAAHEY neceb yahay iyo sifaadka ay leeyihiin, isaga oo ILLAAHEY uga baryay dadka in aanu kuwa liiskooda ku darin, dariiqa iyo waddada ay ku muteena aanu ina marin.

Sheekh Maxamed Haybe Geelle, waxa uu yidhi.“Hantida ugu badan ee maalin walba waddankeena ka baxda israaf ayay ku baxda, laba milyen oo dollar in ka badan ayaynu ku isticmaala daroogada la yidhaaho ‘Qaadka’, marka laga soo qaado in hal milyen oo qof oo kali ahi ay qayilaan, oo ka sodonka dollar ku qayila, iyo ka afartanka dollar ku qayila, iyo toban ku qayila iyo labaatan ku qayila, iyo ka shan ku qayila marka la isu geeyo laba dollar oo kaliya marka la isugu geeyo waa laba milyen oo dollar.

Bulsho maalin walba laba milyen oo dollar ku qayilaysa, ka waran? Dariiqyo ayaynu ku sameysan lahayn, cusbitaalo ayaynu ku sameysan lahayn, jaamacado waa weyn oo nacfi leh ayaynu ku sameyn lahayn, dacwada iyo khayrka ayaynu ku maalgelin lahayn, wax dalka iyo dadkaba waxtara ayaynu ku iibsan lahayn.

Laba milyen marka aynu maalintii kharash garayno bishi maxaynu kharash garaynaynaa? 60-dan milyen, sannadkiina immisa ayaynu kharash garaynaynaa? Haddii bishi 60-dan milyen tahay toddoba boqol iyo labaatan milyen weeyi, tobankii bilood maalin walba haddii ay 60-dan milyen tahay maalintii waa laba milyen, bishiina waa 60-dan milyen, tobankii biloodna waa 600-milyen, waxaad u gaysa laba bilood oo sannadkii ka dheerada oo 120-milyen ah, sannadkii isugeyn waa toddoba boqol iyo labataan milyen, xaggay taala lacagtaasi? Qaad ayaynu ku cunaadee.

Soo eega fooqyada iyo dariiqyada ay ka dhisteen dadka geedkan inoo keena, kuwa sidaasi u meeraysta iyo kuwa sidaasi u toosanba, waa ay sameysteen, waa aynu ku qayilay innagana nin  nin ayaa laga yaaba in uu guri ka dhistay, marka dadkii ilkuhu ka daateen.

Marka israafka ILLAAHEY ma ogola, biyo la’aan ayaa jirta, abaar ayaa jirta, dhibaato ayaa jirta, hal maalin waxa lagu qayilayo haddii aynu Account u sameyno intaasi ayaa ku filan dadka, marka israafka ILLAAHEY sumxaana waatacaala ma jecla,”

Leave a Reply