Guddoomiyaha Gobolka Saraar oo Qadar lacag ah Gaadhsiiyey Qoyska Marxuumkii Dhawaan Biyo a’aanta ugu Geeriyooday Saraar.

0
557

Caynaba (Dawan) – Guddoomiyaha gobolka Saraar Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, ayaa deeq lacag ah gaadhsiiyey qoyskii uu ka geeryooday marxuum dhawaan gobolka Saraar ugu geeruyooday xaaladda biyo la’aaneed ee ka jirta.

Deeqdan lacagta ah oo uu qoyskaas ugu deeqay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed ayuu badhasaabka gobolka Saraar si rasmi ah u gaadhsiiyey Hooyadda dhashay marxuumkaas iyo weliba xaaskii uu ka baxay.

Guddoomiyaha gobolka Saraar Maxamed Cismaan Xaaji Axmed oo munaasibadii uu lacagtaas ku wareejinaayey ka hadlay ayaa tilmaamay in lacagta ay guddoonsiiyeen qoyskaasi ay dhan tahay shan boqol oo Dollar, taas oo uu tacsi ahaan qoyskaas ugu soo dhiibay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland mudane, Maxamed Kaahin Axmed, isaga oo qoyskan uga tacsiyeeyey geerida ku timid marxuumkaas gobolka Saraar ugu geeryooday biyo la’aanta.

Aamina Aadan Nuur oo ah Hooyadda dhashay marxuumkaas iyo xubno kamid ah qoyska uu ka baxay Marxuumkani ayaa deeqdaas lacagta ah uga mahadceliyey wasiirka arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed.

Qoyskan ayay xukuumadda Somaliland hore u gaadhsiisay lacag, raashin iyo biyo.

Leave a Reply