Haween Basaasiin ahaa oo Raad Weyn Dunida Kaga Tagay

0
308

 

BBC-da ayaa maqaal cusub ka diyaarisay haweenkan, maqaalkaasi oo ay ugu magac dartay ‘haweenka dilaaga ah’, sida jilaaga caanka ahayd Villanelle oo loo yaqaanno Jodie Komer iyo Eve Eve oo ahayd dambi baare oo magaceeda matalaadda uu yahay Sandra Oh. Maqaalka ayaa noqday mid soo jidasho leh oo xambaarsan dareen isku dhafan gaar ahaan marka laga eego xirfadda jilidda basaasnimada.

Qaar ka mid ah daawadayaasha ayaa isweydiiya sida ay haweenku u noqon karaan kuwo khatar ah. Waana taa waxyaabaha filimkan diiradda lagu saaray balse su’aashu ayaa waxay tahay dunida ma ka jiraan haween sidaa u khatar badan?

Mata Hari (1876-1917)

Waxay ahayd gabadh qoob ka ciyaarka caan ku ahayd laakiin marki dambe waxaa lagu tilmaamay iney ku xadgudubtay qiyamka bulshadi ay ku dhex nooleed u yaallay kaddib marki ay jishay Filim Amerikaan ah oo looga magacdaray Hollywood. Xirfadda durugsan ee qoob ka ciyaarka oo ay lahayd, ayaa u abuuray fursad ay ku jisho filmika Mata Mari 1931-kii.

Haweeneydan oo asal ahaan ka soo jeeddo dalka Holland magaceeda saxda ah waxaa loo yaqaannaa Greta Garbo. Waxayn ku soo caan baxday magaca Margaretha Geertruida MacLeod wixi ka dambeeyey marki ay jishay filimka Mafrence Mata Hari. Margaretha waxay filinka ku mataleysay xaaska sargaal ciidan oo xadgdubyo aad u badan u geysanaya.

Maalin maalmaha ka mid ah seygeeda ayaa aad u dilay ilaa ay soo riddo ilmo caloosheeda ku jiray, taasoo ku kalliftay gabi ahaanba iney baddasho sidi ay ragga ula dhaqmi jirtay. Xilligaasi oo uu dinida ka socday dagaalki koobaad ee adduunka waxaa loo diray howlo basaasnimo oo ay ku ogaaneyso dhaqdhaaaqa ciidamada Jarmalka iyada oo marki dambe basaas buuxa noqotay.

Inti ay howlaha basaasnimada ku jirtay qofna ma eysan dilin balse waxaa la rumeysan yahay xogo sir ah oo ay soo gudbisay in lagu dilay ugu yaraan 50,000 oo askari. 1917-kii dowladda Faransiiska waxay baaritaan ku sameysay ku lug lahaanshaheeda dilalki ciidamada loo geystay inta uu socday dagaalka koobaad ee Adduunka waxaana lagu xidhay magaalada Paris.  Isla sanaadkaasina waxaa dilay “Koox israsaaseyneysay”.

Tani iyo marki la dilay oo ay in ka badan hal qarni ka soo wareegtay, wuxuu muran ka taagnaa iney dambiile tahay iyo inkale. Balse xaqiiqdu waxay tahay haweeneydan iney muujisay haweenku iney quruxdooda siyaasadda ay uga faa’ideysan karaan.

Charlotte Corday (1768-1793)

Magaceeda saxda ah waa Marie-Anne Charlotte de Mademoiselle Corday. Arrinta la yaabka leh ee haweenaydan ay gaarka la ahayd waxay ahayd inay si toos ah ugu lug lahayd kacaankii Faransiiska. Laakiin waxaa caado u ahayd in ay soo dhaweysato ciddi dooneyso iney dowlad dumiso si ay garab uga siiyaan siyaasadaha ay damacsan tahay.

 

Mid ka mid ah dadki gacanta Charlotte ku baxay waxaa ka mid ahaa Jean-Paul Marat, oo ka mid ahaa xubin caan ah oo ka tirsan ururka mucaaradka ee Jacob. Jacob wuxuu ahaa urur ay taageerayaashiisu yihiin xagjiriin doonayey siyaasadda dowladda in wax laga baddalo oo marki dambe sameeyey rabshada ay ku dhinteen dad ka badan 16,500.

Corday waxaa lagu soo oogay dacwad la xiriirto xasuuqi Marat iyada oo isdifaaceysana waxay sheegtay “iney u dishay si ay u badbaadiso kumannaan qof.” Waxaana marki dambe lagu xukumay xukun dil ah iyada oo dacwadda dilka ee lagu soo eedeeyey lagu helay. Marki ay dhimaneysayna da’deedu waxay ahayd 24 jir.

Shi Jianqiao (1906-1979)

Waxaa loo yaqaannaa Shi Gulan, laakiin waaliddiinteeda waxay ula baxeen christened Shi Jianqiao oo micnaheedu yahay ‘Seef’, oo muujinaya dilka aabbaheed iney u aareyso. Aabbaheed oo 1925-kii uu madaxa ka gooyey hoggaamiyihi magaca dheeraa Sun Chuanfang.

10 sano kaddib marki uu Sun Chuanfang uu howlgab noqday ayey Shi Jianqiao hubkeeda duurka lagashay si ay ninki aabbaheed dilay u soo disho, ugu dambeyntina waxay ku guuleysatay iney Sun madaxa ka toogato sidaana ay aabbaheed ugu aarto. Shi Jianqiao halki ay goobta ka baxsan lahayd, waxay go’aansatay iney ka sheekeyso waxa ay sameysay.

Waxaana Shi lagu eedeeyaa sheegitaanka waxa ay sameysay iney uga gol lahayd iney ku soo jiidato warbaahinta, ayna ku kasbato quluubta dadka. Sanaddi 1936-kii waxaa la soo taagay maxkamad iyada oo lagu helay dilki ay Sun Chuanfang u geysatay. Ugu dambeyntina Shi Jianqiao waxay dhimatay 1979-kii.

Brigitte Mohnhaupt ( Born 1949)

Waxaa loo yaqaanay haweeneyda ugu naxariista darneyd dalka Jarmalka. Waxayn xubin ka ahayd cutubyo caan ah oo ka tirsan ciidanka cas ee dalkaasi sida aadka ah looga baqi jiray. Brigitte Mohnhaupt waxay xiriir la lahayd shabakad argagixiso ah oo loo yaqaannay ‘Autumun German’ oo jirtay 1977-kii.

Kooxdan ayaa si weyn dhibaato ugu noqotay xukumaddi Jarmalka ee xilligaasi jirtay iyaga oo filinayey falal ay ka mid yihiin afduub, dilal qorsheysan iyo weerarro soo noqnoqday sanadihi 1970-yadi. Mohnhaupt waxaa la xiray 1982-kii, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in. Waxayna xukunkaasi ku muteysatay 9 qof oo ay xilligaa dishay oo mid ka mid ah uu ahaa nin ubax u dhiibayey ka hor inta ay toogasho ku dilin.

Mohnhaupt marki ay qiratay dilalkaasi iney geysatay isla-markaana ay ka qoomameysay waxaa xabsiga laga sii daayey 2007-dii, sii deynteeda oo dalka jarmalka oo dhan dood ka abuurtay. Mohnhaupt weli waxay ku nooshahay dalka Jarmalka.

Basaasadda Mossad ( Sanadihi ay nooleyd lama yaqaanno)

Waxay ahayd basaasad la shaqeysay laanta sirdoonka dibadda ee Israa’iil ee loo yaqaanno Mossad, oo waagaasi loo yaqiinnay “Penelope.”

Waxaana lala xiriiriyey iskudaygi dil ee lala damcay Cali Xasan Salameh, oo ahaa hoggaamiye koox dadka madowga ah ay leeyihii oo la magac baxday ‘Balck September’ oo loo haystay iney ku lug lahaayeen afduub loo geystay 11 ciyaartooy oo reer Israaiil oo la afduubtay xilli ay socdeen ciyaaraha Olombikada ee Munich ee 1972-kii kaddibna la dilay.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ee xilligaasi Golda Meir wuxuu amar ku bixiyey in la qaado howlgal ka dhan ah kooxdaasi si looga ciqaabo dilkii ay ciyaartooydooda u geysteen.

Xubno ka tirsan kooxda Black September ayaana mas’uul ka ahaa dilka ciyaartooydaasi loo geystay.

Salameh oo shan jeer la isku dayay in la khaarijiyo ayaa ugu dambeynti isaga iyo afar ilaaladiisa ah waxay dhinteen 1979-kii kaddib marki gaari bam looga xiray

Leave a Reply