Noolaha Dhibtiisa Aan La Ogayn!

0
306

Habeen kasta markaad seexato waxa jira noolayaal kula seexda furashkaaga. Noolahan waxa keliya ee lagu arkaa waa weynayso laguman arko aragtida caadiga ah.

Noolayaashani waxay ku  nool yihiin furaashka iyo barkimooyinka . Qofka baii’adamka ahi marka uu seexdo waxa dhinta qaybo ka mid ah unugyada jidhkiisa kuwaasi oo ku dhaca furaashka uu ku hurdo . Haddaba marka uu qofku ka tooso furaashka  unugyadaasi dhintay waxay ku hadhaan furaashka.  Haddii marka uu subixi ka tooso aanu laabin oo haddana mar kale dib ugu seexdo waxa la cadeeyay inuu qofkasi qaadi karo xanuun, ka imanaya noolayaasha soo cuna unugyada jidhka qofka ee dhintay ee gogosha daadsan kuwaasi oo raashinkoodu yahay unugyadaasi jihdka qofka ee dhintay ku daatay furaashka.

Dhakhaatiirta dalalka galbeedka ayaa isku deyay inay noolayaashiisa kula dagaalaaman iyagoo maydhis ku samaynaya furaashka una adeegsaday dhamaan waxyaabaha lagu nadiifiyo, taasi oo keentay in aany dhiman laakiin is qariyeen noolayaashu.

Waxaana la ogaaday mar danbe in noolayashan ay ku filantahay oo keliya iyadoo cadceeda loo sii daayo guriga ama hawada cusub ee soo gelaysa ay tahay tan disha. Waxa kale oo iyana ay cadeeyeen in gogosha oo la hurgufo ugu yaraan saddex jeer ay tahay mid iyaduna noolayaashi ka sifaysa gogosha.  Islaamku wuxu dadka ku dhiirgeliyay inay gogoshooda hurgufaan ka hor inta aanay ku seexan.

Leave a Reply