Xiddiga ku Guuleystay Abaal-marinta Xiddigii ugu Fiicnaa Premier League Bishii January

0
238

Goolhayaha Kooxda Man United ee David De Gea ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa premier League bishii January ee la soo dhaafay.

Goolhayaha ayaa noqoday Goolhayihii ugu horeeyay ee ku guulaysta abaalmarinta tan ilaa bishii February 2016 markaas oo uu ku guulaystay Fraser Forster oo u ciyaarayay kooxda Southampton.

De Gea ayaa sameeyay 22 badbaadin 4-tii kulan ee ay ciyaartay Man United bishii January isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay gasho kalainta 4-aad ee premier League.

Goolhayaha ayaa shabaqiisa ilaashaday hal kulan kulamadii ay ciyaartay kooxdiisu waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah bishii la soo dhaafay.

Goolhayaha 21 jirka ah ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigo badan oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay sida Jarrod Bowen, Kevin De Bruyne, Jack Harrison, Joao Moutinho & James Ward-Prowse.

 

Leave a Reply