Sheekh Cismaan: Carruur walaalo ah oo ku Geeriyooday Dab ka kacay Gurigooda

0
453

Borama (Dawan) Laba carruur ah oo walaalo ah ayaa ku dhintay, laba kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii gurigooda oo jiingad ahaa uu dab qabsaday, kaas oo ku yaala xaafada Sheekh Cismaan ee galbeedka magaalada Borama.

Ciidanka dabdamiska Somaliland, qaybtooda Borama ayaa ka hawlgalay dhibta reerkan ku dhacday.

Carruurta dhimatay iyo kuwa dhaawacmayba waxa loo qaaday cisbitaalka guud ee magaalada Borama.

 

Leave a Reply