Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood oo furtay waxbarashada heerka labaad ee Jaamacadda.

0
388

Laascaanood (Dawan) – Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood ayaa xaflad u samaysay fursado waxbarasho oo heerka labaad ee jaamacadda ah, oo lagu diyaarinayo waxsoosaarka beeraha iyo kobcinta dhaqaalaha.

Jaamacadda ayaa soo bandhigtay Master Degree ay soo kordhisay, taasoo lagu baran doono jaamacadda, iyadoo markii hore jaamacaddu bixin jirtay oo keliya heerka koobaad, waxaana kasoo qayb galay munaasibaddii loo qabtay furitaanka heerka labaad ee jaamacaddaasi maamulka gobolka Sool iyo ka degmada Laascaanood.

Bulshadii ka qayb gashay munaasibaddaasi ayaa soo dhaweeyay furitaanka heerkan, iyagoo tilmaamay inay tahay mid wax weyn kusoo kordhinaysa bulshada waxbarashada ee gobolka Sool.

Leave a Reply