Shirkadda Oomaar oo  Biyo iyo Calafka Xoolaha gaadhsiisay gobolka Sool

0
307

Laascaanood (Dawan) Shirkadda Oomaar ayaa magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool gaadhsiisay gawaadhi sida saddex kun oo kiish oo calafka xoolaha ah iyo deeq biyo ah oo ka kooban konton booyadood.

Maamulka gobolka Sool ayaa ka guddoomay shirkadda Oomaar gawaadhidan siday 3,000 ee kiish ee calafka xoolaha ah iyo kontonkan booyadood ee biyaha ah, waxaana si rasmi ah deeqdan ula wareegay guddoomiye ku xigeenka gobolka Sool iyo isku duwaha wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga ee gobolkaas.

Waxa ugu horeyn goobta lagula kala wareegaayey deeqdan ka hadlay masuuliyiin ka tirsan shirkadda Oomaar, waxaanay tilmaameen in deeqdani kamid tahay deeqaha ay shirkadda Oomaar ugu talo gashay in ay kaga qayb qaadato gurmadka abaaraha, isla markaana ay kaga jawaabayso qayla dhaantii guddida Gurmadka Abaaraha.

Isu’duwaha wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland ee gobolka Sool Shaafici Maxamuud Cabdi iyo Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sool Maxamed Aadan Cumar oo iyaguna ka hadlay goobtii deeqdan ay kagala wareegayeen shirkadda Oomaar ayaa shirkadda Oomaar uga mahadceliyey deeqdan ay gaadhsiiyeen gobolka Sool.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sool iyo isku duwaha wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga ee gobolka Sool ayaa tilmaamay in shirkadda Oomaar ay tusaale u tahay ganacsatada kale ee reer Somaliland, iyaga oo ugu baaqay ganacsatada dalka in ay ku daydaan shirkadda Oomaar, waxaanay tilmaameen in ay deeqdan gaadhsiin doonaan meelaha ay baahida badani ka jirto ee gobolka Sool.

Leave a Reply