Warbixin Awoodda Militari ee Dalka Imaaraadka Carabta

0
313

Qorimadan waxaan ku eegi doonaa baaxadda ay leedahay awodda militari ee dalka Imaraadka Carabta..  Awoodda militari ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa dhanka dhaqaalaha si wayn uga horeeya inta badan dalalka kahliijka ee dariska la ah.  Militariga Imaaraadka ayaa lagu tilmaamaa in ay ka mid yihiin ciidamada ugu tababarka wanaagsan dalalka Khaliijka.

Ciidamada Imaraadka ayaa ka dagaalamay dalal badan sida Liibiya, Yemen iyo Afqaanistaan. Balse marka la eego dhanka tirada ciidamada Imaaradka ayaa aad u yar. Dowladda Imaaraadka ayaa sanooyiinkii u dambeeyay waxa ay dhaqaala badan galisay dhanka militariga, iyada soo iibsatay hub badan oo casri ah, balse lama oga miisaaniyadda rasmiga ah ee gaashaandhiga.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa kaalinta 36-aad kaga jira caalamka dhanka awoodda militari. Sida uu qoray wargeyska ka faalooda arrimaha militariga ee Globalfire Power Tirada ciidamada dalka Imaaraadka ayaa dhan 65,000.

Awoodda ciidamada Cirka

In uu dalku leeyahay ciidamo cir oo awood leh ayaa sanooyiinkii u dambeeyay ay khubarada militariga u arkayeen midda ugu muhiimsan qarnigan aanu ku jirno. Imaaraadka ayaa waxaa sanooyiinkii u dambeeyay ay aad u xoojiyeen tayeynta ciidamadooda cirka.

Waxay Imaraadka soo iibsadeen diyaaradaha ugu casrisan waqtigan oo ay ka mid tahay nooca laga daba dhacay ee F-16 ee ay Mareykanka farsameeyeen. Sanadkii aanu soo dhaafnay waxay Imaaraadka ka dalbadeen Faransiiska diyaaradda dagaal ee lagu magacaabo Rafale. 80 diyaaradood oo ah nooca Rafale ayay ku soo iibsanayaan qiimo marka wadarta guud la isu geeyo dhan $19.2 bilyan oo doolar.

Tirada diyaaradaha dagaalka ee ay haatan haystaan Imaaraadka ayaa dhan 554 diyaaradood. Dowladda Imaraadka ayaa sidoo kale waxaa sanooyiinkii u dambeeyay ay xoojisay adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Dronis-ka loo yaqaano. Dalka Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka ay Imaraadka ka soo iibsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Dronis-ka. Ciidamada cirka ee Imaaraadka ayaa sidoo kale haysta gantaalo casri ah oo ah kuwa lidka diyaaradaha.

Awoodda ciidamada Dhulka

Dowladda Imaraadka ayaa si wayn u maalgalisay awoodda ciidamada dhulka. Tirada taangiyada ay haystaan cidamada dhulka ee Imaaraadka ayaa Sida uu qoray wargeyska Globalfirepower waxay dhan tahay 354 taangi. Tirada gawaarida gaashaman ee tignikada loo yaqaano ee Imaaraadka ayaa gaaraysa 9,255. Ciidanka Imaaraadka ayaa sidoo kale leh madaafiicda goobta ee loo yaqanao Artilariga oo gaaraya 76.

Awoodda ciidamada badda

Ciidamada badda ee dalka Imaaraadka ayaan lahayn awood sidaasi u sii ballaaran. Ciidanka badda ee Imaaraadka ayaa waxaa ay ku howlgalaan 74 isugu jira doomo iyo Maraakiib. Imaaraadku ma laha maraakiibta dagaalka ee casriga ah sida kuwa gujiska ee badda quusa iyo kuwa diyaaradaha xanbaara.

 

 

 

Leave a Reply