Xogaha Sirdoonka Maraykanka iyo Xiisadda Ukraine ee Ruushku

0
663

Warbixin laga helay Sirdoonka Maraykanka ayaa lagu sheegay in dawladda Ruushku ay qorsheynaysa nidaam been abuur ah oo uu marmarsiiyo uga dhiganaoy duullaan uu ku qaado Ukraine, isagoo si been abuur ah ugu eedeynaya ciidamada Ukraine ay weerar ku qaadeen kooxaha goonni u goosadka ah ee uu Ruushku taageero ama Ruushka laftiisa, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

Arrimaha la sheegay in Ruushka uu ka fiirsanayo inuu soo bandhigo waxaa ka mid ah baahinta weerar been abuur ah, iyadoo sawirro muuqaal ah oo ku saabsan qaraxyo iyo falal ay ka dhasheen khasaare badan uu abuurayo si markaana Ruushku uga jawaabo falalkaas qiilna ugu helo weerarkiisa dalkaas. Maraykanka iyo Nato ayaa ka walaacsan tirada badan ee ciidamada Ruushka ah ee ku sugan meel u dhow xadka Ukraine. Ruushka ayaa beeniyay inuu qorsheynayo inuu duulaan ku qaado dalkaas, isagoo sheegay in ciidamadiisu ay halkaasi u joogaan dhoollatus. Waxayna illaa hadda gaadhayaan 100,000 oo askeri.

Xiisadan ayaa ku soo beegantay siddeed sanno ka dib markii Ruushku uu la wareegay gacanka koonfureed ee Ukraine ee Crimea oo uu taageeray kacdoon dhiig badan ku daatay oo ka dhacay bariga Donbas.Saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulka Mareykanka ayaa sheegay in howlgalka la sheegay in ay qorsheynayaan laamaha ammaanka ee Ruushka, uu muujin doono muuqaalada dadka rayidka ah ee lagu laayay magaalada Donbas ee bariga Ukraine, si ay u abuuraan cadho ka dhalata maamulka Ukraine.

Tan waxaa markaas loo isticmaali karaa in lagu marmarsiiyoodo weerar lagu qaado Ukraine, ayay yidhaahdeen saraakiisha Maraykanku. Qorshaha waxaa ka mid noqon kara in la sameeyo oo la duubo weerar been abuur ah, sida ay sheegeen. Waxay muujin doontaa meydadka iyo meelaha la burburiyay, qalabka militariga ee Ukraine ee been abuurka ah, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkigu sameeyay iyo jilayaasha ciyaaraya baroor-diiqyo ku hadla afka Ruushka, ayay yidhaahdeen

Laakiin saraakiishu waxay carabka ku adkeeyeen in tani ay tahay mid ka mid ah fursadaha uu Ruushku ka fiirsanayo, waxayna sheegeen inay faafinayaan dadaal ay ku doonayaan inay “Ruushka kaga dhaadhiciyaan tallaabada uu damacsan yahay”. Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK Liz Truss ayaa sheegtay in sirdoonka Maraykanku “ay hayaan cadaymo cad oo naxdin leh oo muujinaya gardarrada aan loo meel dayin ee Ruushka iyo dhaq-dhaqaaqyada gacmahooda ee lagu khalkhal gelinayo xasiloonnida Ukraine”.

“Ujeedadan doonista ee ku wajahan waddan madaxbannaan oo dimuqraadi ah waa wax aan gebi ahaanba la aqbali karin, waana ku cambaareyneynaa sida ugu macquulsan. UK iyo xulafadayadu waxay sii wadi doonaan inay soo bandhigaan khiyaanada iyo dacaayadda Ruushka”

 

 

 

Leave a Reply