Wasaaradda gaadiidka oo  soo Bandhigtay Qalab lagu ciladsaarayo Gaadiidka Dawladda

0
519

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, ayaa soo bandhigtay qalab casriya oo lagu ciladsaarayo gaadiidka dawladda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta mudane Axmed Abokor Maxamed, ayaa sheegay in ay mihiim tahay in baabuurta dawladdu ay wataan qalab dhammeystiran, isla markaana gaadiidka dawladdu aanay u fadhiisan cilad uu darawalku hagaajin karro.

Waxaanu yidhi.“Qalabka maanta halkan lagu soo bandhigay waa qalab dhab ahaantii dalku u baahan yahay, gaadiidka kala duwan ee dalkuna, si weyn baahi ugu qabaan, gaar ahaan gaadiidka dawladda, oo wasaaradda gaadiidku masuul ka tahay.

Waxa aanu hubbin doona anaga oo wasaaraddaha ay khuseysana la tashan doona oo wasaaraddayadana ka bilaabayna gaadiidkasta qalab dhammeystiran la saaro, intii gaadhiga geerash lala hadli lahaa ama la soo jiidilahaa, in isaga oo cilad yar oo fudud u ciladaysan, in halkiisa lagu cilad bixiyo,”

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo gaadiid kala duwan oo ay leeyihiin xarumaha dawladdu ay u fadhiyaan cilad yar.

 

Leave a Reply