Guddoomiyaha Golaha wakiillada oo ka Hadlay Dhaqangalnimada Xeerka Caymiska

0
616

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in aanay sharci ahayn hadal ka soo yeedhay wasiirro iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo sheegay inuu dhaqan gal yahay caymisku.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo fadhigii Golaha Wakiillada ka hadlayey, ayaa xusay in hadalkaasi uu sharci darro yahay oo aanay Wasiirradaas iyo masuuliyiinta kale waxba jidaynin ee sharci wax jideeyo, xeerka Caymiskuna horyaallo Golaha Wakiillada oo iyagu awood ku leh goโ€™aan ka gaadhistiisa.

Guddoomoiyaha golaha Wakiillada oo ka hadlayey arrintan waxa uu yidhi โ€œ Xildhibaan ayaa ila wadaagayey shirkii maalintii dhawayd la qabtay ee Shirkaddaha Caymiska in Wasiirradii iyo Xildhibaannadii ka qayb galay ay sheegeen in maanta laga bilaabo waan maalintii ay hadleen ay dhaqan gal tahay, lana fulinayo Caymiska, taasi waa sharci darro, cidda wax jidaynaysaa iyaga maaha, sharcina ma jidayn karaan, dhaqaale aan la jidayna ma qaadi karaan. Waana sharci darro haddii ay tahay sidaasi Xildhibaannadu ila wadaageen, anigu ma dhegeysan laakiin Mudaneyaal saddex Xildhibaan ka badan ayaa ila wadaagay. Waxaan jecelahay oo aan Waxaan leeyahay arrintaas caymisku innaga (Golaha Wakiillada) ayey sugaysaa oo innoo taallaa wakhtiga aynu ku qaadanayno. Annaguna Shir-guddoon ahaan waanu isku noqonaynaa golaha waanu soo dhigaynaa waxa aynu isla garano iyo cidda aynu talo uga baahanahay .โ€

Leave a Reply