Golaha Guuritda oo Doood ka yeeshay Horumairnta arrimaha Dhaqaalaha dalka

0
479

Hargeysa (Dawan)  – Munayaasha Golaha Guuritda ee Somaliland ayaa  dood ka yeeshay horumairnta arrimaha dhaqaalaha dalka, iyagoo ugu baaqay gaadiidlayda bulshada u adeegta inay u tudhaan bulshada danyarta ah.

Fadhigii shalay ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir’guddoominaayey guddoomiyaha golahaasi mudane  Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha golahaasi waxay doodooda kaga warameen sidii dhaqaalaha dalka loo kobcin lahaa, isla markaasina wax soo saarka dalagga beeraha wadanka xoogga loo saari lahaa xilli roobaadyada, si dalku uga maarmo cuntooyinka dalka dibaddiisa inooga yimaadda, iyo in ganacsatada dalku xukuumadda ay ku barbar istaagaan tallaabooyinka dhaqaalaha dalka kor loogu qaadayo.

 

Dhinaca kalena, mudanayaasha golahaasi guurtida Somaliland ayaa doodoodaasi kaga xogogaal waramay gaadiidka bulshadeena u adeegaa in aanay kharashaadka ku kordhin bulshada, iyadoo lagu jiro xilli adag oo abaaro iyo biyo la’aani ay ka taagan tahay badi dhulka Somaliland. Isla markaasina u tudhaan dadka danyarta ah ee aan awoodin lacago lagu daro gaadiidka dadweynaha.

 

Geesta kalena, Shirguddoonka golahaasi guurtida Somaliland ayaa guddi shuruucda iyo arrimaha garsoorka oo uu wahelinaayo xoghayaha guud golahaasi guurtida Somaliland Garyaqaan Cabdinasir Aadan Beegsi ku wareejiyey xeerka ka hortaga iyo xakameynta ka ganacsiga iyo Tahriibinta Dadka, Xeer Lr.101/2022, si guddidaasi kaabis iyo wax kabadel ay ugu soo sameeyaan, kuna soo celiyaan gole weynaha, si gole weynuhuna xeerkaasi howshiisa dastuuriga ah uga guto.

Xildhibaan Dayib Xasan Axmed, ayaa madaxweynaha ka codsaday ciddii ay u xaniban tahay warshada sibidhka ee Berberi in uu ka furfuro waxaanu yidhi.“Warshada sibidhku waxa ay inagala fadhida waa sibidh, rinji, istanbar, jiingad, afartaasi oo kaliya haddii aynu la soo baxno, ,marka madaxweynaha waxa aanu u soo jeedinayna warshada sibidhka ciddii cunaha kaga maran in laga furfuro”

“Halka ganacsatadeenu ay doonanayaan Sibidhka Cuman kan dalkeena ayay ka sameysan lahaayeen, waxaan leeyahay waar Banka Qoolcadayna inta uu bannaan yahay ka Wajaalena waxa ka soo baxa aan la isticmaalayn warshadii Sibidhka ee Berberana ay wali xidhan tahay in aynu dhaqaale ka hadalaba maaha”Ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Weli Warsame Cali.

Xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan Indha indho waxa uu soo jeediyay in khayraadka dalkeena ee sida weyn dhaqalaha wax uga tari jiray ee taagan suuq loo raadiyo.“Waddankasta dhaqaalihiisu waxa uu hore u mara hadba sidii uu wax u dhoofiyo, haddaba inanga xoolihii noola dhoofkoodi waa uu taagan yahay, Beenyadii waala mid, Kalluunkii waala mid, Hargihii iyo Saamihii ma dhoofaan, marka waxaa aan soo jeedinayaa in arrimahaasi oo dhan fiiro gaara loo yeesho, isla markaana qorshe laga yeesho sidii meel uun loogu doonilahaa suuq”

Leave a Reply