Xukuumadda JSL oo mashaariic ka bilowday Deegaamo ka tirsan Gobolka Badhan

0
272

Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mashaariic horumarineed ka dhagax-dhigtay deegaamo ka tirsan degmada Dhahar ee Gobolka Badhan maanta, kuwaasoo ay fulinayso Dawladda hoose ee degmadaasi.
Mashaariicdan oo la xidhiidha dhinaca horumarinta waxbarashada, laga fulinayo deegaamada Bali-busle iyo Kala-dhac, ayaa waxa dhagax-dhigay Maayarka Degmada Dhahar, iyadoo ay kala qaybgaleen hormuudka bulshada ku dhaqan deegamadaasi.
Maayarka Degmada Dhahar Cabdirashiid Ducaale Cali, ayaa deegaanka Bali-busle dugsiga hoose dhexe u dhagax-dhigay deyr weyn oo lagu wareejin doono dhismaha dugsigaasi.
Dadweynaha Deegaanka, ayaa maayarka iyo weftigiisa si weyn ugu soo dhaweeyey Magaalada, waxaanay muujiyeen dareen ka turjumaya baahida ay u qabaan waxqabadka qaranka.
Odayaasha deegaanka, bahda waxbarashada iyo maamulka dawladda ee deegaanka, ayaa xukuumadda uga mahad celiyey mashaariicda kala duwan ee laga fuliyey degmada, waxaanay sheegeen in xayndaabka dugsiga loo samaynayaa uu waxbadan ka tari doono daryeelka iyo dayac-tirka dugsiga.
Cabdirashiid Ducaale Cali, ayaa sheegay in intii Madaxweyne Muuse Biixi dalka hogaaminayey barmaamujyo badan oo horumarineed laga fuliyey Degmada Dhahar, taasoo uu uga mahad celiyey xukuumadda.
“waxaan aad ugu mahad celinaynaa Madaxweynaha JSL iyo xukuumaddiisa oo intii uu xukunka hayey mashaariic badan laga hirgeliyey degmada Dhahar”ayuu yidhi isagoo intaasi raaciyey “waxa kale oo jira mashaariic kale oo sanadkan 2022 qorshaha ku jira iyo kuwo badan oo hore loo qabtay”
Geesta kale Maayarka Degmada Dhahar waxa uu deegaanka Kala-dhac ka dhagax-dhigay laba fasal oo lagu kordhinayo dugsiga sare ee halkaasi ku yaalla, waxaana ka qaybgalay munaasibada maamulka waxbarashada, masuuliyiinta dawladda iyo haldoorka bulshada, kuwaasoo ku bogaadiyey maayarka iyo xukuumaddaba.
Maayar Ducaale oo munaasibadaasi hadal ka jeediyey, ayaa tilmaamay in kordhinta iskuulkani ay tahay arrin ku timi baahi deegaanku u qabay “runtii baahi weyn ayey tuuladu u qabtay in loo kordhiyo fasalada waxbarashada, waa iskuulkii labaad ee aanu u dhagax dhigno safarkan, waxa mashaariicda soo dhiibtay xukuumadda Somaliland”ayuu raaciyey.

Leave a Reply