Qofna Lama Siin Karo Waxa Uu Sheeganayo

0
255

Waxaa laga weriyey Abuu-Saciid Sacad ibn Maalika Khudri (Rc):

”In uu Rasuulkii Allah (scw) yidhi (scw): Haddii dadka la siin lahaa waxay u dacwoodaanba rag baa sheegan lahaa xoolaha dadka iyo dhiiggooda, laakiin inuu caddeyn keeno waa waajibka ruuxa dacwada soo oogay, haddii ruuxa ashtakada keenay wax caddeyn ah keeni waayo, ruuxa u soo dacweeyeyna wixii diido waa la dhaarinayaa dacweysanaha. Waa xadiis Xasan ah, (al-Beyhaqi iyo kuwo kale).”

Xadiiskani wuxuu inoo sheegaya asaaska xeerka ah ee ay ku socdaan dacwooyinka maxkamadaha la hor keeno, oo ah saldhig sharci ah. wuxuu xadiisku sheegay in aan qofna la siinayn waxa uu qofka kale u sheeganayo, isagoon caddeyn keenin, haddiise la siin lahaa qofku waxa uu sheegto caddeyn la’aan, waxaa dhici lahaa in qof kastaa xoolo qof kale sheegto oo uu yidhaahdo hala iiga qaado.

Leave a Reply