Lamaanihii Sabirka Badnaa!

0
376

Lamaane Nin u dhashay dalka Japan ayaa arin yaab leh sameey ka dib markii aabaha qoysku uu gabadhiisa muddo 20 sano ah aanu la hadal tilmaamo gacmaha iyo madaxa ah mooye. Aabahan oo l;agu magcaabo Otto ayaa xaaskiisa oo ka kooban hooyo iyo 3 caruur ah kula noolaa gurigooda, waxaana uu caruurtiisa ula sheekaysan jiray sida caadiga, laakiin gabadhiisa oo lagu magacaabo Katayma iyada faraha iyo madaxa ayuu ugu jawaabi jiray .

Wiil ay dhaleen oo lagu magacaabo Yushiki oo 19 sano ah ayaa warqada u diray barnaamijka qoyska ee Telefishinka dalkaasi kaasi oo u sheegay inuu ka murugoonayo isagoon arag intii uu  jiray aabihii iyo hooyadii oo wada sheekaysanaya.

Dadka barnaamijkan ku xidhan ayaa arinkaasi xal u helay ka dib markii ay goob ku martiqaadeen lamaanahan inta badan kala aamusanaa.  Goobtaasi ayuu hadalkoodii uu horeeyey ka furmay markii kooxdii martiqaaday u fureen.

Aabaha Utto oo goobta ka hadlay aya yidhi “ Waan faraxsanhay ,waxaan dareemaya in culays badani aniga isaaraa, laakiin kaasi mid ka sii badan ayaa xaaskaygana, waxaanse mar kasta jeclaa in aanan ka fogaan caruurtayda, iyadoon arinkana ay igu keliftay anigoo hinaase igu dhacay”. Gabadha oo iyana ka hadashay ayaa tidhi “ Waan faraxsanahay, mar hadii sabirkii iyo adkaysigii uu ku soo dhamaaday faraxada mar kale”  Waxaana dadkii goobta ay ku bogaadinyeen sida ay u aqbaleen martiqaadkooda iyaguna waxay uga mahad naqeen sida ay qoys ahaan u caawiyeen

Leave a Reply