Dawladda Hoose ee Laascaanood oo  Bilawday Balaadhinta iyo Casriyaynta Waddo Muhiim

0
296

Khaddar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan): Maayarka degmada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, ayaa shalay dhagax dhigay balaadhinta iyo dib u dhiska jidka hal-bawlaha ee dhex magaaladda Laascaanood.

Wadaddani la dhagax dhigay, isla markaana shaqadeeduba bilaabatay ayaa ah jidka hal-bawlaha ah ee dhex mara magaaladda Laascaanood, iyadoona qorshuhu yahay in laga dhigo Laami.

Maadaama oo jidkaasi uu ka mid yahay waddooyinkii xili hore la dhisay, isla markaana uu muddo bur-bursanaa, kaasoo lacagta ku baxaysaa ay dhan tahay $200,000 oo dollar.

Dhagax dhiga jidkaasi waxaa maayarka ku wehelinayay maayar ku-xigeenka Laascaanood Axmed Kawte, xoghayaha dawladda hoose ee Laascaanood Cabdiraxmaan Khadar Gaas, iyo saraakiil ka tirsan dawladda hoose.

Dib u dhiska iyo balaadhinta jidkaasi muhiimka ah ee dhex mara magaaladda Laascaanood ayaa isla shalay ba la bilaabay shaqadiisa, iyadoo ay ka shaqaynayeen Cagaf-cagafyadda dawladda hoose iyo gaadiidka dhismeyaasha.

Waxaana hirgelinaysa dhaqaale ahaan casriyaynta iyo balaadhinta jidkani dawladda hoose ee degmadda Laascaanood, sida uu sheegay maayar Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, oo ka hadlay dhagax dhiga jidkaasi.

Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, waxa uu tilmaamay in hirgelinta Wadaddani ay ka mid tahay qorsheyaasha horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo waddooyinka ee ay dawladda hoose ee Laascaanood ku doonayso in ay magaaladda ka fuliso.

Waxaanu yidhi, “Balaadhinta iyo casriyaynta Wadadani hal-bawlaha ah ee dhex marta magaaladda Laascaanood ayaanu maanta (shalay) dhagax dhigaynaa. Weliba dhagax dhig keliya uun maahee, aanu isla maanta ba (shalay) shaqadeedii bilawnay.

Anaga ka dawlad hoose ahaan wax noogu dhimani ma jiraan. Laga bilaabo saaka (shalay subax), waxaanu shaqadii ku wareejinaysa shirkadda dhisaysa ee Sahal.

Waxaanu u sheegaynaa bulshadda reer Laascaanood in ay la shaqeeyaan golaha deegaanka. Anigoo amaan weyn na u haya. Waxaana amaanta koowaad iska leh shacabka”.

“Dhaqaalaha ku baxaya balaadhinta iyo casriyaynta Wadaddani, ma aha wax aanu ka helnay xukuumadda dhexe ee Somaliland. Ma ana aha wax aanu ka helnay beesha caalamka, waa wixii aanu ka helnay magaaladda Laascaanood gudaheedda.

Markaa amaan bay mudan yihiin dadka reer Laascaanood 100%. Waxaanan idinka rejaynayaa intiina aan weli bixin cashuurta, in aad iska soo bixisaan” ayuu yidhi maayarka degmadda Laascaanood.

Geesta kale maayarka ku-xigeenka degmadda Laascaanood Axmed Kawte, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay dhagax dhiga jidkani ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin ka dawlad hoose balaadhinta iyo casriyaynta jidkani hal-bawlaha ah.

Waxaanu bulshadda magaaladda Laascaanood u iftiimiyay in cashuurtii laga qaaday loogu dhisayo, laguna qurxinayo waddooyinka magaaladda, taasoo muujinaysa sida ay gole deegaan ahaan heeganka ugu yihiin bulshadoodda.

“Waxaanu halkan maanta (shalay) ka dhagax dhigaynaa jidka weyn, oo ay dadku dhibaato ku qabeen, isla markaana aanu ku dhisayno cashuurtii laga qaaday dadka reer Laascaanood. Ma aha lacag ay haayadi bixinayso, ma aha dhaqaale meel kale ka yimid, waa cashuurtii laga qaaday bulshadda.

Waxaa uu dayactirkaasi noqon doonaa, in jidkani la hagaajiyo, oo weliba laga dhigo Laami Roog ah. Muddo yar oo kooban ayaana lagaga shaqayn doonaa, oo 45 maalmood ah. Sida aanu isla qaadanay shirkadda dhisaysa” ayuu yidhi maayar ku-xigeenka Laascaanood Axmed Kawte.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Bulshadda waxa kaloo aan u sheegaynaa, cashuurtii la idinka qaaday, waad aragtaan oo Indhihiina ayaa idiin macalin ah. In lacag $200,000 oo dollar ah, mudadii koobnayd ee aanu joognay, oo cashuurtiinii ah, in aanu maanta (shalay) halkani idiinku dhagax dhigayno, Laamigiina idiinku balaadhinayno, oo aynu jidkii magaaladda ku qurxinayno”.

Leave a Reply