Xidhiidhka ka Dhexeeya Kalluunka iyo Caws Baddeedka

0
391

Badda waxaa ku nool kumanaan noole oo u badan kuwa iyaga isku dul nool iyo kuwa cuna cows badeedka loo yaqaan.

(Phytoplankton).

Kalluunka ku nool baddaha waxaa loo qeybiyaa laba Nooc oo kala ah:-

  1. Pelagic fish
  2. Dimersal fish

Nooc ku nool cowska badda, waxaana la yiraahdaa Pelagic fish:

Kalluunkan qaarkiis waxaa uu cunaa kalluunka kale maadama uuku nool yahay cowska ayuu haddana waxaa uu isticmaalaa.

Mararka qaarkood inuu cuno kalluunka kale, balse maaha dhamaantood keliya waa qaar kamid ah.

Nooca kale waxaa la yidhaahdaa (Dimersal fish) waana Kalluunka ku nool gunta hoose ee badda iyo dhexda badda, noocan waxa uu cunaa kalluunka kale wuxuuna isu cunaa sida uu isaga xoog badan yahay ama isaga weyn yahay sida ay soo ogaatay Hay’adda Cilmibaadhista Baddaha  Somaliland daraasad ay ku sameysay xeebaha waxaa lagu soo ogaaday inuu Kalluunka guur guuro sida xoolaha oo kale.

Waana kooxo kala duwan (halkii mar waxaad arkeysaa indhahaagu in ay qabtaan malaayiin kalluun ah oo hal nooc ama hal magac leh), guur guurkan ayaa mar walba sababa inay keento dhowr arimood oo ay  ugu waa weyn yihiin:

1- Deegaanka ay ku nool yihiin oo ku bata qalabka Jilaabashada, taasina waxay keentaa in kalluunku u haajiro baddo kale oo uu ku heli karo amaan isla markaana uu ka heli karo cowska uu ku nool yahay.

2- Deegaanka badda uu kaga sugan yahay oo ka nabaad guura cowska noloshiisa ku xeran tahay oo ay sababto inuu iskaga tago halkaas.

3- Arrinta kale waxaa keenta haddii kalluunka deegaanka uu ku nool yahay lagu  shubo sun wax yeeleysa nolosha kalluunka iyo cowska ay nolol ahaan u cunaan haddii aan la dhowrinna waxa iman kara Baaba’ iyo Dabar goyn.

Xidhiidhka ugu weyn ee ka dhexeeya Kalluunka iyo Cows baddeedka waxa uu yahay Kalluunka ku nool cowska ma noolaan karo cowska la’aantiisa, maxaa yeelay noloshiisa ayaa Illaahey ka dhigay inuu ku noolaado cowska haddii uu wayana dhammaan noocaan waxaa ku yimaada dhimasho, sidaasna waxaa isugu xiran cowska iyo kalluunka, kalluunka markii uu daaqo cows badeedka,waxaa bata korniinka cowska taasina waa mid Ilaahey ugu tala galay, dhinaca kale kalluunka cuna kalluunka kale sida aan hore u soo xusnay waxaa uu u guur  guuraa qoys qoys miisaan ahaanna way kale weyn yihiin sidaas ay tahayna ay isku ugaadhsadaan.

Xidhiidhka guud ee ka dhexeeya Kalluunka iyo Cowsku waa mid aad u weyn kuna tiirsan tahay nolosha kalluunka.

Baddaha waxaa laga helaa malaayiin kale duwan oo kalluun ah, dhamaantoodna waxaa ka dhexeeya xidhiidh nololeed, kalluunka  hilibka cuna iyo kalluunka cowska cuna.

Cowsku waa cows qalalan lehna caleen huruud ah, caleemahaas oo kala bax baxa, wuxuuna ka dhashaa gunta hoose ee badda waxaana uu kaallin weyn ka qaataa isku dul noolaansho kalluunka iyo cowska; waa ay ku hoydaan, cunaan, kuna dhalaan.

(EcoSystem).

Faa’iidada kale ee uu leeyahay cows baddeedku waxaa ka dhasha caleesha badda (Sea-Shells) oo si wanaagsan ay qiimo wayn ugu leedahay bini aadamka, waxaa lagu qurxiyaa guryaha iyo meelaha leyskugu yimaado hadana caleesha qaarkeed waxaa ku dhex jira (Luul Diamond) waxaa kale oo laga dhex helaa (Sea Worms) waxayna ay dhexgalan bacoosha dhexdeeda si ay hoy uga dhigtaan markii uu weynado Worms kan  bocooshana waa ay weynataa,  asalkeda bacoosha waxay ka dhalata cows badeedka deriska la ah Jamalada.

Cows baddeedka wax tarka uu u leyahay noolaha badda aad ayuu u fara badan yahay, tusaale cowska Taliga waxa uu soo baxa xiliga Jiilaalka, waxana uu ka mid yahay cowska badda waxaana uu yimaada xeebaha oo dhan, maxaa yeelay badda markii ay aad u caariso waxaa dibada uso baxa Jamalada iyo cowska badda, waxaana cowska ku dhacda qoraxda, markii ay qoraxda ku dhacdana Taliga waa uu qalalaa, cowskana ma awoodo in uu iska  difaaco mawjadaha badda, sidaas ayuuna cowska ku soo go’aa kuna yimaadaa xeebaha.

Markii hore oo uu soo go’ayey cowska wuxuu ahaa cagaar markii ay qoraxda ku dhacdana wuxuu noqdaa midab buni ama gaduud loo maleeyo, waxaa uu noqdaa markan Tali ama cows an waxba tarin.

Si kastaba ha ahaatee xidhiidh ayaa ka dhexeeya Kalluunka iyo Cows Baddeedka. Kalluunka kama maarmo cows baddeedka, cows baddeedkuna kama maarmo kalluunka, sidaas ayay labadauba iskugu xidhan yihiin.

Marka uu bato bixista cows baddeedka waxaa bata kalluunka cowska daaqa taranka kalluunkana waxaa uu keenaa inuu dego deegaanka ay badda kaga sugan yihiin kalluunku.

Isbedelka Jawiga Badda (Winds, Lights, Currents, Moisturo) iyo dabaylaha shucaaca lehmwaxaa ka dhashta cows badeedyo kala  duwan oo manaafacaad u leh kalluunka cowska daaqa oo uu cunta ahaan u cunno, kalluunka qaarkiis waxaad arkeysaa inay ku midab yihiin cows badeedka,  cows badeedka uma xumaado si deg deg  ah sida cowska ka baxa berriga kaliya wuxuu midabkiisu isbedelaa markii uu soo caaryo xiliga ay badda jawigeedu uu kacsan yahay isla markaana ay qoraxdu ku dhacdo, dadka reer maanyaha ah markaas waxay fahmaan in badda gudaheedu ay ka socdaan mowjado culus laguna garto cowskan loogu magac daray Taliga ee soo go’go’ay, maaha cowska Taliga kaliyee mararka qaar waxaad arkeysaa cows qurux badan oo ku soo caaryey xeebaha dhow.

XIGASHO:

Leave a Reply