Dawladda hoose ee  degmadda Taleex oo 7500$  ku wareejiyey guddidda gacanta ku haysa Jidka Dameer

0
332

Taleex (Dawan) Maamulka dawladda hoose ee degmadda Taleex ayaa 7500$ oo qaadhaan lacag ah ku wareejiyey guddidda gacanta ku haysa waddadooyin ka tirsan degmada Taleex.

Duqa degmada golaha degaanka degmada Taleex mudane Cabdiraxmaan Cismaan Aw Aadan, ayaa madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo masuuliyiinta wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka ka codsaday in ay ka qayb qaataan dhismaha jidka Dameer oo uu sheegay in uu mihiim u yahay bulshada ku nool degmada Taleex iyo degaanada hoos yimaada.

Mid ka mida odayaasha gacanta ku haya hirgelinta dhismaha jidka Dameer, ee degmada Taleex, ayaa tilmaamay in jidkani hadda dhismihiisu socdo waxaanu yidhi.“Waxa aanu joogna oo aanu shaqo ka haynay wadada Dameereed, ee degmada Taleex, taas oo ah mid halbowle ah, isla markaana muddo dheer xidhnayd, mudadii u danbaysayna hadda shaqadeedii gacanta lagu hayay, taasi oo ganacsatada iyo masuuliyiinta xukuumadda Somaliland ay si wada jir ah uga shaqeynayeen”

Xoghayaha fulinta dawladda hoose ee degmada Taleex Mukhtaar, ayaa ka waramay sida uu mihiimka ugu yahay bulshada degaanka xag dhaqaale iyo socodba. “ILLAAHEY halkan isugu keen keenay wadada Dameereed jidkan oo muddo badan xidhnaa isla markaana go’neyd, jidkani waa mid mihiim u ah isu socodka bulshada iyo dadka, haddii ay noqoto xag dhaqaale iyo xag waddo mariseedba.

Ganacsatada waxaan aan leeyahay lacagtan hadda aanu idinku wareejinayna waa Kab, ay dawladda dhexe bixiso ahna cashuur laga soo qaado bulshada la mida kuwa ku nool Taleex, marka waxaan rajjeynayna in aad isku tashataan”

Duqa dawladda hoose ee degmada Taleex mudane Cabdiraxmaan Cismaan Aw Aadan, ayaa madaxweynaha Somaliland iyo wasaaradda jidadka ugu baaqay ka qayb qaadashada dhismaha Jidka Dameer waxaanu yidhi. “Waxa aanu lacag dhan toddoba kun iyo shan boqol oo dollar ku wareejinay haddii aanu nahay masuuliyiintii dawladda hoose ee Taleex, guddida dhaqaan ururinta jidka Dameer waxa madaxweynaha iyo wasaaradda horumarinta jidadka ka codsanaya in ay ka qayb qaataan dhismaha jidka Dameer ee degmada Taleex”

Dhismaha jidkani haddii uu guuleysto waxa uu wax badan ka tari doona, in bulshada ay ka raysato rafaadka ay ka mari jirtay imaanshiyaha degaana Dameer iyo degaanada hoos yimaada.

Leave a Reply