Golaha Deegaanka Xaysimo oo 8,000 oo dollar ku  Wareejiyay Dugsiga Cumar Ciise

0
291

Taleex (Dawan) Gudomiyaha golaha deegaanka  degmada  Taleex mudane  Cabdiraxmaan Cismaan Aw Adaan, oo uu  weheliyeen xoghayaha fulinta dowlada hoose Mukhtaar Cumar Cali Darmaan iyo qaarka mid xildhibaanada golaha deegaanka degmada  Taleex ayaa Dugsiga Hoose dhexe ee degmadaasi  ku wareejiyey  lacag dhan 8,000 oo dollar guddiga waxbarashada dugsiga Cumar Ciise Jeerin.

Lacagtan oo lagu dhisayo wajiga 1-aad ee dugsiga Cumar Ciise Jeerin, oo baahi ballaadhan u qabay in loo helo dayr dhan 420 mitira oo lagu wareejiyo.

Iyaga oo masuuliyiinta maamulka degmadu ay balanqaadeen in in arrimaha bulshada ay xilgaar ah iska saarayaan 5-ta sanno oo ay xafiiska joogi doonaan.

Golaha Deegaanka iyo xoghayaha fulinta oo muddo kooban joogay ayaa wax badan ka qabtay dhanka horumarinta bulsha Taleex.

Leave a Reply