Hadda ayaan si Dhab ah kaaga Cadhaysiiyay

0
436

Qarniyadi dhexe boqorada iyo Amiiradu waxay lahaayeen rag gabayo u tiriyo oo qasriyada ku nool sida ciidanka, madaama aanay jirin idaacado iyo warbaahin kale.

Nin amiir ah ayaa maalin isagu yeedhay dadkii ka ag dhowaa, waxaana uu tiriyay gabay uu sheegay inuu isagu curiyay. Markii uu dhameeyay ayuu gabayaagii qasriga ku yidhi :” Ka waran gabaygan aan sameeyay, ma xiisaysay”?.

Gabayaagii ayaa ku jawaabay: Maya , aftahanimo iyo abwaanimo  kama dhadhamayso!

Amiirkii waa uu xanaaqay waxaana uu amray in gabaygan lagu xidho meel xero ah oo fardaha iyo dameeraha lagu xereeyo.

Gabayaaga ayaa xerada ku jiray muddo bil ah, markii la sii daayay ayuu codsaday in uu gabay ka hor tiriyo amiirka waana loo ogolaaday.

Markii uu dhameeyay gabayga oo ahaa mid uu xaaladiisa ku sifeeyey iyo sida kibirka ah ee loo xidhay ayuu iska baxay. Markii uu dhaqaaqay ayuu u yeedhay Amiirku oo ku yidhi :” Xageed u baxaysa, isagoo doonaya inuu cabsi geliyo oo aad u cadhaysan “?.

Gabayaagii ayaa ku jawaabay : Waxaan tegayaa xeradii fardaha iyo Dameerah ee aan ku xidhnaa, waayo xadhigu waa imika oo aan si dhab ah kaaga cadhaysiiyay.  Amiirka ayaa int uu qoslay ku yidhi: “ Waar orod naga tag waxba ku xidhi mayne, miyaanad meesha soo nicin”. Abwaanku afkiisa ayuu isku badbaadiya.

 

 

 

Leave a Reply