Xikmadaha Maanta

0
372

Xikmadaha Maanta

  • Sirta noloshu ma’aha in aad samayso waxa aad jeceshay, balse waa in aad jeceshay waxa aad qabanayso.
  • Qaraabada iyo ehelka cunto iyo cabbitaan la wadaag, laakiin abidkaa shaqo ha la wadaagin.
  • Karaamada iyo weynida qofka waxa lagu qiyaasaa illaa xadka uu diyaar u yahay in uu u naxariisto kuwa khaladka ka gala.
  • Haddii aad caado ka dhigato in aad ka cadhooto wax kasta oo ku raalli gelin waaya, weligaa nolosha ku xasili maysid.
  • Khayrka minjo u noqo, laakiin weliga sharka madax ha u noqon.
  • Marka aad walaalkaa ka caawiso in uu buur fuulo, waxa aad ogaataa in aad tahay qofka ugu dhow ee ku xiga isaga fanashada buurtaas.
  • Qofka oo cadhooda marka la canaantaa, waa astaan muujinaysa in uu mudnaa canaantaa.
  • Marka aad taariikhda dib u raacdo waxa aad ogaanaysaa in runtu mar walba tahay mid aan la faafin.
  • La fadhiisodadka caqliga badan, xitaa haddii ay yihiin cadawgaaga, waayo caqligu caqliga ayuu la hadlaa.

Leave a Reply