Abaarta Somaliland oo sababtay in Dadku haraad u dhintaan

0
373

Dhoqoshay (Dawan)  Hal qof oo dumar ah ayaa haraad ugu geeriyootay miyiga degmada Dhoqoshay ee gobolka Togdheer, abaaro daran oo deegaanadaa saameeyay awgeed.

Guddoomiyaha degmada Dhoqoshay Dr. Axmed Maxamed Warsame, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida qof ka dumarka ah ee haraadka ugu geeriyootay degmada.

Waxaanu yidhi.”Way jirtaa geeridu ILLAAHEY ayaa qoray, ALLE ha u naxariisto, marxuumad daasi way dhimatay, waxayna u dhimatay waa baahi biyo iyo baad ba leh, meesha ay taalay waa meel miyi ah oo magaalada u jirta 5 ilaa 6 kiilo mitir”

Badanka gobollada Somaliland ayaa waxaa samaysay abaar kadib dayrtii iyo karantii sannadkii hore oo aan si wanaagsan uga di’in deegaanada badan kooda, taasi oo sababtay biyo iyo calaf la’aan.

“Waxaan u sheegaya bulshada reer Somaliland, gaar kuwa reer Togdheer in xaaladii abaarta ee gobolka Togdheer saaka isu baddeshay waji kale, ay bilaabantay dhimasho, dadku in ay haraad u dhintaan, oo hadda la soo sheegayo in islaani ugu dhimatay degmo Dhoqoshay ageeda Haraad iyo Gaajo, sidoo kale xoolihiiina in ay iyaguna dhimashadii bilaabeen.

Maadaama abaartani ka daran tahay  tii hore bulshada reer Togdheer qaybahooda kala duwan, ganacsatada iyo cidkasta in aynu is abaabulo oo isu gurmano ayaan idinku baaqaya”Ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Todheer mudane Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Nafaqo.

Gabadha haraadka u geeriyootay ayaa noqonaysa, qofkii labaad ee guddaha Somaliland ugu geeriyooda gaajada iyo haraadka ay abaartu sababtay.

Leave a Reply