Mac-hadka tabobarka shaqaalaha dawlada Somaliland Oo abaal mariyay shaqaalihii shaqo wanaaga muujiyay sannadkii tagay ee 2021

0
511

Hargeysa (Dawan)  – Mac-hadka tabobarka shaqaalaha dawlada Somaliland ayaa abaal mariyay shaqaalihii shaqo wanaaga muujiyay sannadkii tagay ee 2021.

Munaasibada oo ay ka qayb galeen masuuliyiin kala duwan waxa halkaas ka hadlay agaasimaha fulinta ee mac-hadka hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland Cumar Iid Qolombi waxaanuu xusay muhiimadda ay leedahay in la abaal mariyo shaqaalaha muujiya kartida iyo hufnaanta shaqo.

Prof. Maxamed Mixile Boqore oo ka mida madaxdii soo hoggaamisay mac-hadka shaqaalaha dawlada, agaasimaha guud ee tacliinta sare Ibraahin Aamin Gadiid iyo agaasimihii hore ee wasaaradda gaashaan dhiga Murbaarig Cabdilaahi, ayaa bogaadiyay masuuliyiinta mac-hadka shaqaalaha dawlada ee shaqaalahaas ku abaal-mariyay shaqo wannaaga.

Agaasimaha waaxda shaqaalaha ee mac-hadka shaqaalaha dawlada Somaliland Cabdiqaadir Kaamil Ibraahin ayaa ka warbixiyay sifhii ay ku soo xuleen shaqalahan la abaal mariyay oo tiradoodu tahay 16 xubnood.

Ugu dambayn guddoomiye ku-xigeenka hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland Aamina Maxamuud Xuseen ayaa mac-hadka ku amaantay tallaabadaas ay ku lagu dhiiri-gelinaayo shaqaalahaas, waxaanay shahaadooyin guddoonsiisay shaqaalahaas lagu xushay shaqo wannaaga.

Leave a Reply