Barcelona oo Chelsea Kula Dagaalamaysa Saxeexa Xiddig Blues Muddo Lala Xidhiidhinayay

0
255

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay chelsea kula tartami doonto saxeexa difaaca dhexe ee kooxda Sevilla ee Jules Kounde xagaaga, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain.

Chelsea ayaa ku dhawaatay inay Kounde kala wareegto Sevilla xagaagii laakiin kooxda reer Spain ayaa dalbatay lacag dhan 60 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga.

Ugu dambayn chelsea ayaa adeegsatay xiddiga da’yarka ah ee kooxda Trevoh Chalobah kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda xilli ciyaareedkan.

Kooxda chelsea aya wali la rumaysanyahay in ay doonayaan saxeexa xiddiga iyaga oo doonaya in ay u dhaqaaqaan xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan maadama ay xiddigo muhiim ah waayi karaan.

Xiddigaha Antonio Rudiger, Andreas Christensen & Cesar Azpilicueta ayaa dhamaantood hesiiskooda chelsea dhici doonaa xagaaga waxana la filayaa in ay isaga tagaan kooxda.

Kounde ayaa doonayay in uu ku biiro chelsea isaga oo xataa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay laakiin Barcelona ayaa haatan qorshaynaysa in ay u dhaqaaqdo xiddiga xagaaga.

Leave a Reply