Qorshaha PSG ku Buuxinayso Booska Mbappe oo la Ogaaday

0
324

Paris Saint-Germain ayaa ka warqabta in ay wajaheyso loolan weyn si ay u sii haysato Kylian Mbappe xilli ay si weyn u xiiseynayaan Real Madrid, waxaana ay durba qorsheynayaan la’aanta xiddiga reer France.

Agaasimaha ciyaaraha ee Leonardo iyo kooxdiisa inteeda kale waxay ka warqabaan in bixitaanka Mbappe ay tahay suurtogalnimada dhabta ah, taasoo keentay inay diyaariyaan liiska bedelkiisa.

Erling Haaland ayaa ah magaca koowaad ee liiskaas ku jira, iyadoo weeraryahanka reer Norway uu u muuqdo mid ka tagi doona Borussia Dortmund xagaaga.

Sida laga soo xigtay L’Equipe, Wakiilka xiddiga iyo PSG ayaa haatanba bilaabay wadahadalada iyada oo PSG diyaar u tahay in ay bixiso lacag dhan 75 milyan oo euro.

Sidoo kale xiddigaha Paul Pogba iyo Lucas Paqueta ayaa ku jira Liiska PSG doonayso in ay ku xoojiso kooxda kadib bixitaanka

Leave a Reply