Dowlada Uganda oo lagu Xukumay inay Siiso Waddanka DRC Magdhow Gaadhaya $325m

0
328

Hargeysa  (Dawan) Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii ku xukuntay Uganda inay siiso Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC) $325m oo magdhow ah taasoo la xidhiidhta dagaalkii arxan darada ahaa ee u dhaxeeyay wadamadan deriska ah billowday dabayaaqadii 1990-meeyadii.

“Maxkamaddu waxay xustay in magdhowga lagu abaalmariyay DRC waxyeelada dadka iyo hantida ay ka tarjumayso waxyeelada soo gaadhay shakhsiyaadka iyo bulshooyinka taas oo ka dhalatay jebinta Uganda ee waajibaadkeeda caalamiga ah,”Ayuu yidhi madaxweynaha maxkamadda Joan E Donoghue oo ah garsoore Mareykan ah .

Amarka magdhawga ah ayaa yimid in ka badan 15 sano kadib markii maxkamada Qaramada Midoobay ay xukuntay xukun adag oo ka kooban 119 bog oo ah in dagaalka ay ciidamada Uganda ka wadaan DRC uu jabiyay sharciga caalamiga ah.

Sannadkii 2005-tii maxkamadda ICJ waxay xukuntay in Uganda ay bixiso magta, balse waligeed ma bixin.

Lacagta la xukmiyay ayaa aad uga hooseysa codsigii ahaa in ka badan $11bn oo ah magdhow DRC ay ku dalbatay qabsashada gobolka Ituri ee waqooyi-bari.

Leave a Reply