Gurmadka Abaaraha: Shirkadda Omaar oo Taakulo Gaadhsiisay Gobolka Togdheer

0
545

Burco(Dawan)-Guddida gurmadka Abaaraha ee Gobolka Togdheer, ayaa shixnad taakulo gurmadka abaaraha ah kala wareegay Shirkadda WADDANI-ga ah ee Oomaar shalay, taasoo ka kooban saddex kun oo Kiish oo calafka Xoolaha ah iyo Konton Booyadood oo Biyo ah.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dedaallo lagu samato-bixinayo Dadka iyo xoolaha oo ka socda gobolada ay ku jiifsatay Abaarta biyo-la’aantu u darantahay, iyadoo ay qaylo-dhaantuna tahay mid isa soo taraysa oo deegaamo badan ku baahsan.

Munaasibada ay Shirkadda Oomaar ku wareejisay qaadhaanka taakulada iyo gurmadka abaaraha ah oo lagu qabtay Magaalada Burco, ayaa waxa ka qaybgalay Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Togdheer, xubno kamid ah guddida abaaraha iyo wakiillo ka socda shirkaddaasi.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Togdheer Muxumed Xasan Jaamac (Xoday) oo halkaa ka hadlay, ayaa shirkadda uga mahad-celiyey kaalmada ay ku caawisay umadda tabaalaysan ee gobolka ku dhaqan.

“Shirkadda Oomaar waxaanu kala wareegnay taakuladan oo ay kaga qayb-qaadanayaan gurmadka Abaaraha ee heer gobol”ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenku.

Isagoo hadalka sii wata waxa uu baaq u diray ganacsatada waaweyn ee Somaliland iyo guud ahaan umadda muslimiinta ah oo uu ka dalbay inay gacan ka geystaan gurmadka xaalada adag ee la soo deristay shacbiga xoolo dhaqatada u badan “Xaaji Jaamac waan u ducaynaynaa waanan uga mahad celinaynaa, waxaanan ganacsatada waaweyn ee Somaliland iyo umadda Muslimiinta ahba ugu baaqayaa inay ka qayb-qaataan xilligan adag ee ay walaalahood ku sugan yihiin”ayuu raaciyey.

Xubno kamida guddida gurmadka abaaraha oo iyaguna ka hadlay xaflada, ayaa dhankooda Mulkilaha Shirkadda Xaaji Jaamac Oomaar ugu duceeyey in ALLE miisaanka xasanaadka ugu daro, maalkana u barakeeyo.

Waxa kale oo ay ganacsatada gobolka, kuwa dalka iyo cid kasta oo wax haysatana ugu baaqeen inay ka qaybgalaan gurmadka abaaraha.

Leave a Reply