“Waajibaadkayagu waa in aanu Xeerarka soo saarno” Xildhibaan Xareed

0
338

Hargeysa (Dawan):[-Guddoomiyaha guddi hoosaadka Shuruucda Golaha Guurtida
Maxamuud Xareed Rooble ayaa ka hadlay Xeerka ka hor tagga xakamaynta Ganacsiga iyo Tahriibka dadka oo gacanta ay ku hayaan.

Maxamuud Xareed Rooble ayaa sheegay in Golaha Wakiilada uu ka soo gudbay Xeerka ka hor tagga xakamaynta Ganacsiga iyo Tahriibka dadka,waxaanu intaa ku daray in ay ka baaraan degi doonaan ka guddi ahaan Gole weynahana u gudbin doonaan.

Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi”Xeerkani nidaamkii xeerarku lahaa ayuu marayaa Golaha Wakiilada ayuu ka soo gudbay annaguna dib ayaanu u eegi doonaa,marka aanu dhamaystirno ka guddi shuruuc ahaan ee aanu ka baaraandegno,waxaanu ku rejo wayn nahay in Sabtida ama wixii ka dambeeya in aanu hor gayno Golaha Guurtida,”.

Xildhibaan Xareed ayaa sheegay in fulinta xeerarka ay Xukuumadda u xilsaarantahay.Waxaanu yidhi “Fulintiisana Xeerka waxa u xilsaaran waaxda fulinta annaga waajibaadkayagu waxa weeye in xeerarka aanu soo saarno,fulintiisana Xukuumadda ayaa u xilsaaran,waxaanan rejaynayaa in uu dhawaan naga dhammaan doono si aanu ugu gudbino Xukuumadda,”.

Waxaa kale oo uu ka hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta,waxaanu yidhi.”Abaar ayaa waddanka oo dhan ka jirta Bari iyo Galbeedba gobolada barigu ha usii darnaadaan e xeebta Galbeedka ee gobalka Awdal iyo Selel waa la mid oo abaarta ayaa saamaysay,Xukuumaddu guddi qaran ayay u Magacawday abaarta,”.

Leave a Reply