Sadio Mane oo Doonaya inuu Iskaga Tago Liverpool iyo Kooxaha u Calaamadsan

0
384

Xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane ayaa la sheegay in uu doonayo in uu iskaga tago kooxdiisa Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan socda, waxaana uu kala dooranayaa laba kooxood oo qalbigiisa ku weyn oo uu illaa yaraantiisii ku riyoon jiray inuu u ciyaaro.

Liverpool oo bishii Janaury lasoo wareegtay Luis Diaz oo ka ciyaara garabka bidix ee weerarka oo ah booska Sadio Mane ayaa waajihi doonta madax-xanuun la xidhiidha sidii ay ku haysan lahayd 29 jirka reer Senegal marka la gaadho bisha June.

Mane oo heshiiskiisa Liverpool ay ka hadhsan yihiin sannad  iyo dhawr bilood ayaan doonayn inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdan waxaanay taasi ku qasbi doonaa tababare Klopp in uu fasaxo si aanu bilaash ugaga tegin dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.

Wargeyska Liverpool Echo ee kasoo baxa Liverpool ayaa maanta boggiisa hore ku qoray in Sadio Mane uu xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyey ku qaadanayo Anfield.

Reds ayaa haysata beddelka Mane oo uu u noqon doono 25 jirka reer Colombia ee Luis Diaz oo ka ciyaara garabka bidix ee weerarka, laakiin waxa kale oo duruufta Mane oo kale ku jira Mohamed Salah oo isagana 16 bilood ka hadhsan tahay waqtiga uu dhacayo qandaraaskiisa Liverpool.

Labada kooxood ee la sheegay in Sadio Mane uu midkood tegi doono ayaa ah Real Madrid iyo Barcelona oo illaa carruurnimadiisii qalbigiisa ku weynaa, waxayse ku xidhnaan doontaa xiisaha ay kooxahani u muujiyaan iyo in ay qiimaha ka  heshiiyaan Liverpool.

Leave a Reply