“Dadka WAAL’WAALAN Subixi iyaga oo Qori xaabo ah aad Moodo ayay Gidaarada dabada kuwada hayaan”Sheekh Muxumed Haybe.

0
460

Hargeysa  (Dawan) – Sheekh Muxumed Haybe Geelle, kana mida culimada waa weyn ee reer Somaliland, ayaa soo si weyn uga dayriyay xaalada ay ku sugan yihiin dadka dhimirka ka xannuunsanaya ama maanka ka buka, waxa uu sheegay in xilliga salaada subax la tagayo iyaga oo qori xabbo oo qalalan aad moodo ay gidaarada dabada kuwada hayaan, isla markaana ALLE ku eegayo bulshada inteeda kale.

Sheekhu waxa uu xusay in dadkaasi ay kooban yihiin, loona baahan yahay in la ururiyo, isla markaana loo fidiyo daryeel waxay xidhaan iyo waxay cunaanba leh, iyada oo la iskaashanayo ganacsato iyo dawladdba.

Waxa uu sheeku sidan ka sheegay khudbadii Jimcaha ee uu ka jeediyay Masjidul Rashiid ee magaalada Hargeysa, oo ku saabsaneyd asbaabta ILLAAHEY dhibaatada dadka kaga fayda in  ay tahay ILLAAHEY oo loo noqdo.

Sheekh Muxumed Haybe isaga oo xaalada dadka maanka ka buka si dareen taabasho leh uga hadlaya waxa uu yidhi. “Immisa ayaa qof dhibaateysan dhexdeena jooga, dadka Waalan ma u fiirsatay wakhtiga dhaxanta, aroortii marka salaada subax la tukanayo ee aynu Masaajidada tagayno iyaga oo tiirar xaabo ah noqday sida gidaarada dabada ugu haya, oo ILLAAHEY innagu eegaya.

Way kooban yihiin haddii aynu isku tagno oo dawladd iyo ganacsataba inta aynu isu tagno ururino sow waxay xidhaan iyo waxay cunaanba uma iibin karrno.

Kuwa isu naxariista ILLAAHEY ayaa u naxariista, RABBI waxa uu dhibaatada ku fayda sida uu rasuulku inoo sheegay SCW, sadaqada oo aynu bixino, oo qofku si hoos ahaan ah u bixiyo”

Markii uu sheekhu ka hadlayay xaalada dadka dhimirka ka xannuunsanaya isaga iyo Jamicii khudbada dhageysanayayba way ilmeeyeen.

Haddaba waxa loo baahan yahay gurmad in loo fidiyo dadka maanka ka xannuunsanaya ee duruufuhu ay ku haystaan magaalooyinka waa weyn ee Somaliland.

Leave a Reply