Labada Xiddig ee Barcelona ka Tirsan ee ku Dayda Cristiano Ronaldo oo la Shaaciyay

0
454

Waxa shaaca laga qaaday tiraba laba ciyaaryahan oo ka tirsan kooxda Barcelona oo meelaha qaar kaga dayda weeraryahanka Manchester United ee Cristiano Ronaldo walow uu badi waayihiisa ciyaareed lasoo xifaaltamayay Barca.

Saxeexyadii suuqii January ee Barcelona ee Adama Traore iyo Ferran Torres ayaa ah kuwo banaanka garoonka uu tusaale uga yahay Ronaldo iyaga oo raaca dadaalkiisa iyo waliba sida uu taam ahaanshihiisa u ilaaliyo.

Isbadalka jidheed ee ku yimid Ronaldo waayihiisa ciyaareed ayaa ah mid aad u cajiib ah isaga oo bilawgii ahaa wiil yar oo caato ah balse isku badalay mashiin dhinaca goolasha ah.

Ronaldo ayaa naftiisa kasoo dhisay halka ugu hooseysa ilaa uu noqday mid kamida xiddigaha jidh ahaan ugu fiican guud ahaan kubadda cagta.

Ronaldo oo haatan 37 sano jirsaday ayaa wali tababarka adag ee jidhkiisa sii wada, waxa uu midaas ku  kasabaday inuu tusaale u noqdo malaayiin dunida dacaladeeda joogta oo ay kamid yihiin Traore iyo Torres oo dhawaan Barca kusoo biiray sida uu sheegayo Cadena SER.

Adama Traore oo qaab amaah ah ugu soo wareegay Barcelona ayay warbixintu sheegaysaa inuu laba jeer tababaro kala duwan sameeyo Isniinta ilaa Khamiista

Leave a Reply