Xidigga Franck Kessié oo Doortay Kooxda uu ku Biirayo

0
463

Khadka dhexe ee kooxda Ac Milan ee Franck Kessié ayaa ku xasilay halka uu wajiga uu saarayo.

Xilli heshiiskiisa uiu dhacayo xagaaga soo socda waxaa muuqaneysaa in laacibkani aanu dooneyn in uu sii joogo Milan.

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegeysa in uu ku war giliyay Milan in uu baxayo waxa ayna tani heegan gilisay kooxaha u waalanaya saxeexiisa .

Franck Kessié ayaa Milan u yimid sedex sano ka hor waxa uuna ka mid ahaa xiddigaha asaasiga ee kooxdaas tan iyo sanadkii 2019-kii.

Haatan wargeyskaas , waxaa laga soo xigtay in Franck Kessié uu doonayo in uu ku biiro Barcelona.

Waxa uu Barca ka door biday Liverpool iyo PSG waxaanu saaxiibo ku dhaw uu u sheegay in uu tagayo qalcadda Camp Nou.

Franck Kessié waxa uu xilli ciyaareedkaan Milan u saftay 23 kulan dhamaan tartamada waxa uuna dhaliyay 6 gool .

Leave a Reply