Ortega iyo Murillo: Lammaanaha awooda leh ee Nicaragua

0
494

Lammaanihii ugu horreeyay ee Nicaragua, Madaxweyne Daniel Ortega iyo ku xigeenkiisa ahna xaaskiisa Rosario Murillo, labaduba waxay da’doodu tahay 70 jir, laakiin midkoodna muujinayo rabitaan ah inay sii daayaan hayshada ​​awoodda.

Waxa hubaal ah in ay ku guulaysan doonaan doorashada dalkooda oo ay Midowga Yurub ku tilmaameen “been abuur” ka dib olole socday bilo oo cadaadis siyaasadeed.

In ka badan 30 ka mid ah mucaaradka, oo ay ku jiraan saaxiibo hore oo jabhado ah iyo 7 musharax oo u taagan xilka madaxtinimada, ayaa xabsiga loo taxaabay eedeymo ay ka mid yihiin “in ay wax u dhimayaan madaxbannaanida.”

Hogaamiyahan jabhada ahaa oo loo yaqaanay “el commandante” (taliyaha) xukunka ayuu  ​​gacan bir ah ku hayey, ayaa markii ugu horaysay 11 sano kadib kacaankii 1979kii. Laakin tan iyo markii dib loo doortay 2006-dii ayuu si tartiib tartiib ah u sii adkeeyey mawqifkiisa, meeshana ka saaray cid kasta oo la tartamaysay, taas oo keentay in lagu eedeeyo inuu cabudhinayo mucaaradka.

Murillo, oo xad-dhaaf ah, oo leh hal-abuur xagga gabayada iyo fanka, ma aha mid lagu walaaci karo, waa haweeneyda gacanta midig u Ortega,dadka qaarkoodna waxay rumeysan yihiin inay tahay awood dhabta ah ee dalka haysa.

Loo yaqaan “Companera Rosario” (Jaalle Rosario), waxay ka soo kacday darajooyin kala duwan o xisbiga ah tan iyo markii ninkeeda dib loo doortay ilaa ay soo gaadhay heer ay la wadaago awooda.

“Halkan waxaan ku leenahay laba madaxweyne sababtaa oo ah waxaan ixtiraameynaa mabda’a 50:50 – si kale haddii loo dhigo, waxaanu nahay laba madaxweyne oo iskaabaya , aniga iyo Comrade Rosario,” ayuu Ortega ku yidhi khudbad uu ka jeediyay telefishinka maalmo ka hor.

Ortega: xishood, naxariis lahayn

Ortega, oo 75 jir ah, ayaa markii ugu horeysay la wareegay xukunka ka dib markii jabhadiisii ​​Sandinista ay meesha ka saartay boqortooyadii qoyska Somoza ee awooda Nicaragua ku heshay dhaxalka intii u dhaxeysay 1937 ilaa 1979. Hadda waxay ku eedaynayaan kali talisnimo, musuqmaasuq iyo inuu mar kale u rogay siyaasadda Nicaragua arrin qoys.

“Ugu dambayntii waxaan leenahay kaligii taliye Ortega, ninka xooga leh, ma aanu ogolaan musharaxiinta kale ee xisbigiisa, hadda, waxay u muuqataa, ma ogolaan doono madaxweyne Nicaragua oo aan isaga ahayn. ” Fabian Medina, oo ah qoraaga taariikh nololeedka Ortega, ayaa u sheegay AFP.

Ortega waxa uu madax ka ahaa jabhadii Sandinista ee garabka bidix oo taageero ka helaysay Cuba iyo Midowgii Soofiyeeti kacaankii ka dib, waxaana loo doortay madaxweyne 1985kii.

Laakiin, dhaqaalihii oo burburay, waxa uu ku guuldarraystay doorashadii xigtay 1990kii.

Isaga oo xisbigiisa Sandinista National Liberation Front (FSLN) ee mucaaradka ah, 17 sano oo uu xukunka ka maqnaa wuxuu ku qaatay inuu hoosta ka taliyo isaga oo ku jiray — kicinta mudaaharaadyo rabshado wata iyo in uu dawlada kala xaajoonayey in la sameeyo dib u habayn ka hor soo laabashadiisa madaxtinimo ee 2006.

Waxaa taageeray dhaqaalaha saliidda ka yimaada ee Venezuela, oo uu hoos ka siinayey saaxiibkiisa ay isku fikrada ahaayeen ee Hugo Chavez, wuxuu bilaabay barnaamijyo bulsho oo loogu talagalay dadka saboolka ah, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay sii wadaan inay taageeraan.

Laakiin sidoo kale wuxuu aad u ballan qaaday inuu kobciyo xidhiidhka uu la leeyahay qoysaska Nicaragua ee xoogga ku leh ganacsiga  isaga oo ballanqaaday xasillooni.

Sannadkii 2014-kii, xisbigiisa congress-ka waxa uu wax ka beddelay dastuurka oo meesha ka saaraya xaddidaadda muddada madaxweynaha, isaga oo waddada u furay inuu sii ahaado madaxweynaha noloshiisa.

Siyaasadda miyir-qabka ah ee Ortega, oo ay weheliso xirfadda uu u leeyahay inuu si naxariis darro ah u kooreeyo mucaaradka, ayaa u ogolaatay inuu sii haysto talada xisbigiisa FSLN, oo uu ku biiray 1963-kii.

Waxa uu ku dhashay tuulada macdanta ee La Libertad, Ortega waxa uu ka baxay waxbarashadiisii ​​sharciga si uu ugu biiro jabhadda. Waxa uu todobo sano ku qaatay xabsiyada, mararka qaarna la jidhdilay, oo uu jidh dilay taliskii Somoza.

Murillo: ololeheeda xasarada leh

Inaad ahaao marwada koowaad waligaa kumay imaan hamiga naxariis darada leh ee Murillo oo 70 jir ah oo keliya.

Waxaa kale oo lagu yaqaanaa hadalladeeda dab-damiska ah oo ay ku xardhan tahay tixraacyo kitaabi ah iyo kuwo qarsoodi ah, waxay ku beer-laxawsataa  “jacaylka iyo dib-u-heshiisiinta” iyada oo isla markaana mucaaridka ku sifaysay “Vampires” ama kuwo dhiig u ooman.” Sida Ortega ay uga soo noqtay iftiin, “Lammaanihiisa  u ​​daacadda ahaa” – oo ay u dhashay toddoba carruur ah, iyo mid uu korsaday – ayey u noqotay garabkiisa.

Waa shaqaale aan joogsi lahayn, gabayaa si faseexa ugu hadla Ingiriisi iyo Faransiis, xidhashada dhar midab leh iyo dahabkana xusuus gaara ku yeelatay, Murillo had iyo jeer waxay u dhaqmi sidii xadka ka baxsan marwada koowaad dhaqankeeda, kana awood badan.

Doorkeedii ugu horreeyay ee dawladeed oo ay iyadu isku magacowday wuxuu ahaa isku xidhe,(communicator-in-chief)  iyada oo hubinaysa in wasiirradu aanay hadlin ama ku dhaqaaqin wax aanay ogayn fasax la’aan.

Caasimadda  dalkaas ee Managua waxay ku soo rogtay waxyaabo lagu qurxinayo oo ay iyada amar ku bixisaysida in la dhiso dhowr biro dhaadheer oo habeenkii ifa, geedo la beeray oo qurux badan, rinji midabyo kala duwan iyo laydhadh habeenkii ifa.

Murillo waxay la kulantay Ortega 1977-kii, markaas oo ay ahayd kacaan la dagaalamayey kalitaliskii Somoza. Isla markiiba waxay bilaabeen xidhiidh, laakiin is may guursan – ilaa 2005.

Murillo waxay soo martay guur hore, waxaanay dhashay gabadh Zoilamerica Narvaez, 1998-dii Ortega waxa lagu eedeeyey inuu faraxumeeyay gabadha ay dhashay Murillo oo markaa da’deedu ahayd 11, laakiin Murillo waxay la safatay ninkeeda.

Eedeymaha waxaa ugu dambeyntii meesha ka saaray garsooraha Sandinista. Maanta, Narvaez waxay ku nooshahay Costa Rica, halkaas oo ay si xun u yasto hooyadeed.

“Waxay u ciyaarayaan naftooda sababta oo ah ma noolaan karaan awood siyaasadeed la’aanteed,” ayay tidhi. “Ortega waxa uu Murillo ka helay waxa ka maqan, Murillo-na waxay Ortega ka heshay gaadhigii ay u baahnayd,” ayuu Fabian Medina ku yidhi buugiisa.

Murillo waxa ay ka soo jeedaa qoys kacaan maadaama hooyadeed uu abti u ahaa halyeygii qaranka ee Augusto Cesar Sandino, kaas oo horseeday iska caabinti qabsashadii Maraykanka ee Nicaragua 1927-33.

Ortega iyo Murillo 11-kii January 2022 ayaa markii afraad loo dhaariyey xukunka, waxaana u dhexeeyey mudooyin.

  • 1945:Wuxuu ku dhashay magaalo miyi ah
  • 1960kii:Wuxuu ku biiray Sandinista National Liberation Front (FSLN) isagoo dhalinyaro ah
  • 1984:Madaxweyne la doortay
  • 1990, 1995, 2001: Waa lagagaguuleystay doorashooyinkii madaxtinimo
  • 2006, 2011, 2016:Wuxuu ku guuleystey xilli labaad, seddexaad iyo afraad
  • 2018: Mudaaharaadyo waaweyn ayaa ka dhacay isaga
  • Waxa Turjumay :Xasan Xuseen

 

Leave a Reply