Buurta ugu dheer dunida oo barafkeedu si degdeg ah u dhalaalay, daraasad

0
1120

Isbeddelka cimiladu waxay keenaysaa in barafka sare ee buurta Everest uu si xawli ah u dhalaaliyo, daraasad cusub ayaa daahfurtay.

Cilmi-baadhayaal ay hogaaminayso Jaamacadda Maine waxay ogaadeen in Koonfurta Col Glacier ay lumisay in ka badan 180ft (54m) dhumucdii barafku intii ay ahayd 25kii sano ee la soo dhaafay.

Barafka buurta, oo ku fadhiya qiyaastii 7,906m (25,938 ft) oo ka sarreeya heerka badda, ayaa dhuubtay in 80 jeer ka dhaqso badan sidii uu markii hore barafku ugu samaysmi jiray dusha sare.

Heerka hoos u dhaca ayaa loo malaynayaa kulaylka iyo dabaylaha xooggan.

Saynisyahanada hogaaminaya cilmi baadhista ayaa ogaaday in laga soo bilaabo 1990s,sagaashamaadkii uu soo dhalaalayey baraf  lagu wado inuu samaysmay ku dhowaad ​​2,000 oo sano.

Waxa kale oo ay xuseen in barafkii qarada weynaa uu meesha ka baxay, taas oo  uu beddelay baraf madow oo hoose loona malaynayo in ay soo bandhigtay qoraxda, isla markaana qoraxdu dardargelinayso hannaanka dhalaaliddiisa.

Dr Mariusz Potocki, oo ka mid ah cilmi-baadhayaasha hormuudka ka ah cilmi-baadhista, ayaa sheegay in natiijooyinka ay soo jeedinayaan “in barafka Koonfurta Col glacier laga yaabo in uu ku jiro jidkii baaba – waxaana laga yaabaa in qaybtaasi noqon doonto meel lagu xasuusta wakhtigii gabowga iyo qabowga. “.

Qoraaga kale ee warbixinta, Dr Tom Matthews, oo ah saynisyahan ku takhasusay cilmiga cimilada oo ka tirsan Kings College London, ayaa BBC-da la wadaagay daraasadiisa, waxaana uu qabaa in aanay jirin wax isbeddel ah oo ku yimid cimilada gobolka oo sababay kor u kaca dhalaalka.

“Taas bedelkeeda, heerkulka joogtada ah ee kor u kaca ayaa ku riixaya barafka inuu u gudbo meel, wax walba ay isu bedelaan si lama filaan ah,” ayuu yidhi.

Iyada oo dhalaalka barafka si weyn loo darsay, saameynta isbeddelka cimiladu ku leeyahay barafka balse heerkan ayaan hore loo baran.

Koox saynisyahano ah oo ka kooban 10 ayaa booqday barafka, halkaas oo ay ku rakibeen labada xarumood ee ugu sarreeya cimilada adduunka, waxayna ka soo saareen muunado baraf ah oo dhererkiisu yahay 10 mitir (qiyaastii 32 cagood).

Hoggaamiyaha socdaalka Dr Paul Mayewski ayaa BBC u sheegay in daraasaddu ay “ku kordhinayso faham sare oo aan horay loo helin taasna ay horseed u tahay dareenka cajiibka ah ee nidaamyada dhulku ay leeyihiin xitaa isbeddel yar”.

Dr. Mayewski waxa uu leeyahay dhalaalkan deg-deg ah saamayn ayuu ku yeelanayaa gobolka iyo dunidaba.

Malaayiin dad ah ayaa ku tiirsan silsiladda buuraha Himalaya oo ka hela biyaha, sidaa awgeed haddii barafka kale ee gobolka – iyo adduunkuba – ay raacaan tusaalaha Everest, heerka biyaha la cabbo iyo waraabka ayaa si weyn hoos ugu dhici karta.

Sidoo kale Barafka dhalaalayaa wuxuu caqabad ku noqon karaa fuulayaasha, Barafku wuxu sahli jiray fuulitaanka, hadduu dhalaalo waxa soo bixi dhagax, taas oo adkeynaysa in la fuulo.

Dr Matthews wuxuu xusay in Koonfurta Col Glacier “ay aad ugu yar tahay nidaamka weyn ee arrimaha”.

Baadhayaashu waxay BBC-da u sheegeen in hadda ay tahay wakhtigii cilmi-baadhayaashu ay baadhi lahaayeen “ilaa inta dareenka aan halkan ku ogaannay uu khuseeyo barafka saqafka sare ee adduunka”.

Sannadkii hore, koox cilmi-baadhayaal Faransiis ah ayaa soo gabagabeeyey in barafka adduunka uu si xawli ah u dhalaalayo.

Leave a Reply