Siyaasi Xuseen Dayr oo Xukuumada JSL ku Boogaadiyay Horumarka ay ka Samaysay Siyaasadda Arrimaha Dibada

0
358

Hargeysa (Dawan) Siyaasiga Eng.Xuseen Aadan Cige Xuseen Dayr ayaa sheegay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay horumar ballaadhan ka samaysay Siyaasada arimaha, taas oo yidiidilo gelisay shacabka Somaliland.

Xuseen Dayr ayaa waxa uu sheegay in dawladaha Somaliland iyo Taiwan ay iska kaashan karaan arrimaha Horumarka, tignoolajiyadda, caafimaadka, wax-soo-saarka baaraha iyo iskaashiga caalamiga ah.

Xuseen Dayr oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Tallaabo cusub oo hor leh ayay u qaaday dhinaca arrimaha Siyaasada arimaha dibada Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaanay yididiilo weyn galisay Umadda Somaliland. Labada dawladood ee Somaliland iyo Taiwan waxay iska kaashan karaan arrimo badan oo ay ka mid tahay xagga Horumarka, wax wada qabsiga iyo Dimuqraadiyadda, waxaana uu iibinayaa Wasiirka arimaha Dibada Ciise kayd Boqcada nabedgalyo iyo istaaratajiyeed ee Somaliland ku taalo iyada wakhtigeediina wuu ku soo beegmay,”.

Eng.Xuseen dayr ayaa waxa uu sheegay in aan loo baahnayn in dalka China in uu maalagashi ku sameeyo Somaliland. Waxaanu yidhi “Inagu uma baahnin Maalgashiga China, waad baahantahay looma bahalo cuno, Maalgashiga China ee Afrika waa mid daymaysan, hadaanu qaranimadeena inagu maalgalinayn uma baahnin Maalgashiga China, Madaxweynaha Somaliland way u yimaadeen oo meel cad ayuu iska taagay in aan lagu sasabi karin horumarin”

Sidoo kale Xuseen Dayr ayaa waxa uu sheegay in ay horumar tahay in China ka cawdo Somaliland. Waxaana uu yidhi “China waxa uu yidhi Somaliland waxa ay faragalisay dalweynahayaga, taas ayaaba hurumara oo China uu ka cawdo Somaliland, waxaana Somaliland saaxiib la tahay Taiwan oo xidhiidh wanaagsan inaga dhaxeeyo xaga horumarka shiidaalka iyo Kalluumaysiga intaba aynu iska kaashanayno faragalina kuma hayso Somaliland China,”.

Leave a Reply