Xukuumada oo Gurmad Raashina Gaadhsiisay Togdheer iyo Sool

0
474

Laascaanood (Dawan)- Guddoomiye ku xigeenka hay’adda u diyaar garawga aafooyinka iyo keydka raashinka qaranka Somaliland Faysal Jaamac Xawte oo ay wehelinayaan Guddida Gurmadka Abaaraha ee heer qaran ayaa goboladda bariga Somaliland ka bilaabay gurmad raashin qaybin ah oo loogu talo galay 10,000 oo qoys.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda NADFOR Faysal Jaamac Xawte ayaa ka warbixiyay gurmadkan raashin qaybita ah oo laga fulinayo gobollada Sanaag, Togdheer iyo Sool, waxaanu sheegay in gurmadkaasi raashinka loogu qaybinayo tobonka kun ee qoys laga hirgeliyay miisaaniyadda Qaranka Somaliland.

Guddoomiye Faysal Xawte oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu qaybinaynaa gurmad raashin ah oo loogu talo-gakay 10,000 oo qoys, oo kala ah gobolada Sanaag, Togdheer iyo Sool, sidaad la socotaan shalay (dorraad) waxaa laga bilaabay gobolka Sanaag, maantana (Shalay) waxaa laga bilaabay gobollada Togdheer iyo Sool.”

Guddida gurmadka abaaraha ee uu guddoomiyaha u yahay madaxweyne ku xigeenku iyo Hay’adda NADFOR waxay horu u bilaabeen oo ay qaybiyeen 540 booyadood oo biyo ah kuwaasi oo loo qaybiyay gobolada bariga Somaliland, waxaa haddana dib loo daah-furay 15 maalmood oo dambe oo biyo dhaan ah. Dhammaan qorshayaashaasi waxay ka soo fuleen oo kharashaadkooda laga bixiyay miisaaniyaddas qaranka ee xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaa lagu fulinayaa miisaaniyaddii iyo cashuurtii laga qaaday bulshada Somaliland.”

Badhasaab ku xigeenka mudane Maxamed Aadan ayaa si weyn ugu mahad celiyay guddida gurmadka abaaraha ee heer qaran, Hay’adda u diyaar-garowga aafooyinka iyo keydka raashinka qaranka iyo guud ahaan ba bulshada reer Somaliland, waxaanu ku bogaadiyay sidii diiranayd ee loogu gurmaday dadka iyo duunyada ay ku habsatay abaaraha ba’an ee ka jirta gobolka Sool.

 

Leave a Reply