Wadamada Laatiin Ameerika oo si weyn u canbaareeyay xaraashka Agab qadiim ah oo Mexico leedahay

0
572

Lix waddan oo Latin America ah ayaa cambaareeyay xaraashka uu Faransiisku ku dhawaaqay inuu ku xaraashi doono Qalab qadiimi, taariikhi ah oo ay leedahay Mexico kaas oo loogu yeedho Pre-Hispanic Artifact. Mexico oo laga soo qaaday qalabkan ayaa dalbanaysay in loo soo celiyo, laakiin wakhtigan Madxafkii lagu hayey ee Faransiiska ayaa ku dhawaaqay inuu bishan xaraashi doono.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen danjirayaasha u jooga Paris ee Mexico, Ecuador, Guatemala, Panama, Peru, iyo Dominican Republic ayaa si weyn uga soo horjeestay iyaga oo dalbanaya in la joojiyo iibinta qalabkan taariikhiga ah.

Waxa ay ku tilmaameen iibinta agabkan mid sharci daro ah. Alaabtan ayaa ka soo jeeda hiddaha iyo dhaqanka wadanka Mexico, waan qalab taariikh fog leh Pre-Hispanic macneheedu waa Isbaanishka ka hor, taas oo loo jeedo in uu qalabkani jiray Gumaysigii Isbaanishka ka ho. Lixdan wadan waxay yidhaahdeen  “Hala joojiyo ganacsiga sharci-darrada ah ee hantida dhaqameed, taas oo dhaawacaysa hidaha, taariikhda iyo aqoonsiga Laatin America”.

Bishii January 28-keedii, guriga xaraashka ee Millon ee ku yaal Paris ayaa iibiyay 30 shay oo qalabkii hore ah oo jiray ka hor Mexico, taas oo cadho ka dhalisay Mexico.

Mexico ayaa sanadihii ugu dambeeyay isku dayaysay in ay soo ceshato agabka sida gaarka ah looga qaatay ee adduunka oo dhan ah.

Sidoo kale ku baaqayada Mexico waxay ku wajahan yihiin Guryaha qalabka reer Yurub ee waaweyn sida Zara in ay iibsadaan ama iibiyaan Agabka taariikhda fog leh ee laga soo qaaday Bulshooyinkii ay gumaysan jireen.

Doodo ayaa weli socota ee ku saabsan agabka dhaqameed ee laga haysto dalalkii hore loo gumaysan jiray iyo sida lagu soo qaaday agabkaa.

Mexico waxay aad uga soo hor jeedaa in la sameeyo ganacsiga agabka qadiimka ah, waxay sheegeen in aan muranku hadda joogin Faransiiska ama dawlada Faransiiska, balse ay diidan yihiin inuu dhaco ganacsiga noocaas ahi, sida uu sheegay agaasimaha Machadka Qaranka ee Anthropology iyo Taariikhda Mexico, Diego Prieto Hernandez.

“Dowladda Mexico… weligeed ma aqbali doonto bililiqada iyo iibinta sharci darrada ah ee dhaxalka qaranka,” Prieto Hernandez ayaa ku adkaystay, isaga oo ka codsaday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mexico inay soo ceshato alaabtii qadiimiga ahayd.

 

 

Leave a Reply