Tanzania oo gabdhaha ardayda u ogolaaday in ay sii wataan waxbarashada markay umulaan

0
557

Wasiirka waxbarashada Tanzania Adolf Mkenda ayaa sheegay in go’aanka dowladda ay ku ogolaatay in ardaydu ay sii wataan waxbarashadooda ka dib marka ay umulaan aanay macnaheedu ahayn inay ilmahooda fasalka soo geli karaan.

Hadaladiisa ayaa yimid ka dib markii ay BBC-du soo bandhigtay hooyo ku nool gobolka Mbeya oo loo ogolaaday in ay dugsiga keento ilma afar bilood jirta toddobaadkan.

Esnath Gidcoon, oo 19 jir ah, ayaa lagu sawiray iyada oo gabadheeda dhabta ku haysa miiska. Waxay BBC-da u sheegtay in ay ku khasban tahay in ay fasalka la timaado maadaama aanay jirin cid ilmeheeda ku xanaaneysa guriga.

Balse Prof. Maknda ayaa sheegtay in dhallaanka ku jira fasalka ay dhibayso ardayda kale.

Gabdhaha reer Tanzania ee uur yeeshay waa laga eryi jiray iskuulka oo dib looma ogolaan jirin. Bishii Disembar ee la soo dhaafay  ayaa la soo afjaray amarkii Madaxweynihii hore, waxaana la ogolaaday in gabdhaha carruurta yeeshay ay ku laaban karaan waxbarashadii. Gidcoon waxay ka mid ahayd hooyooyin dhowr ah oo da’yar oo dib ugu laabtay Iskuullada si ay waxbarashadooda u dhameystaan.

Qaarkood waxay iska diiwaan geliyeen barnaamij loo yaqaan Jidka Waxbarashada doorka leh, kaas oo la sheegay inuu yahay mid dabacsan.

Xalka dhibaatada Ms Gideon ayaa loo soo jeediyay dowladda taas oo qayb ka ah talooyinka khubarada waxbarashadu ee eegaya ku noqoshada hooyooyinka da’yarta ah ee waxbarashada.

Waxay soo jeedinayaan in la sameeyo xarumo lagu xanaaneeyo

Leave a Reply