Wasiirka Caafimaadka oo Sagootiyey 25 Dhakhtar oo u baxay Itoobiya

0
626

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaarada horumarinta Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaaradaas Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, Safiir ku xigeenka Safaarada Somaliland ee Dalka Ethiopia Barkhad Maxamed Kaariye ayaa ka qayb galay, xaflad lagu sii sagootinayay shan iyo labaatan dhakhtar oo deeq wax barasho ka helay dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia.

Ambasador Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa ka waramay dedaalka dhakhaatiirtani u galeen, sidii ay wax barashadaa ku heli lahaayeen, oo imtixaan ay sadex jeer u galeen, iyagoo Ethiopia u tagay shan kun oo ardayna la fadhiistay imtixaan laba jeer laakiin markii ugu danbaysay ay ku guulaysteen iyagoo Hargeysa joogana loo soo diray.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa u mahad naqay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo markii ay u bandhigeen shuruudihii iyo kharashaadkii imtixaanka ku lamaanaa oo aan miisaaniyada Wasaarada ku jirin, degdeg uga ogolaaday amarna ku siiyay inay sida ugu dhakhsaha badan u fuliyaan.

Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa iyo dedaalkii loo soo maray, sidii dhakhaatiirtani wax barasho dibadeed u heli lahaayeen, waxaanu xusay in wasaaradoodu ay labaatan ka mid ah dhakhaatiirtan oo aan Bayroolka shaqaalaha dawlada ku jirin ay shaqaalaysiisay.

Sidoo kale wasiir Gaafaadhi ayaa tilmaamay kharashka ardaydan muddada ay wax barashada caafimaadka ku jiraan, ee dalka Ethiopia ay ku sugan yihiin ku baxaya, kaas oo sida uu xusay ay dawladu tunka u ridatay, ugu danbayntiina waxa uu la dardaarmay dhakhaatiirta wax barashada dibada u baxaysa, oo uu u sheegay in dalka ay leeyihiin ayna wax u soo baranayaan Somaliland yahay, iyagoo taa niyada ku hayana ay guntiga dhiisha isaga dhigaan.

Leave a Reply