Arrimaha Noloshu Waa Ay Isa Saameeyan

0
307

Tartanka kooxaha beeralayda ah, sanad kasta waxa kaalinta koowaad ka geli jiray nin qudha kaasi oo aan sand keliya laga riixin kaalinta ugu horaysa. Nin weriye ayaa beer falahan maalin weydiiyay sirta sababta uu sanad kasta uu ugu guulaysto kaalinta koowaad?

Waxaana uu ugu jawaabay :” waxaan soo iibiya siidhka bixidda ee ugu fiican , isla markaana waxaan u qaybiyaa dhamaan beeraha jaarkayga oo dhan si ay u beeraan kaasi wanaagsan”?  Weriyaha oo yaaban ayaa haddana su’aal kale wediiyay :” Oo sidee ayaad u siisaa Siidhkaaga wanaagsan adigoo og inay kula tartamayaan” ?.  Beer falaha ayaa yidhi :” Saaxiib, miyaanad ogayn in dabayshu qaado siidhka talaalka oo ay geyso beeraha kale, haddaba hadii ay jaarkaygu beeraan siidh xun, talaalka siidhkaasi xun waxay dabayshu usoo qaadaysaa beertayda”.

Markaa haddii aad rabto inaad beerto dalag fiican oo aad hesho, waa inaad jaarkaaga siisaa siidh aad uga wanaagsan kan aad haysato.

Beer qotahan wuxuu si fiican ugu warhayaa sida arirmaha noloshu isu saameeyaan ee isu  dhexgalaan. Haddii aanu siin jaarkiisa siidh fiican in aanu isaguna weligii helayn midho wanaagsan. Farxadda qofku waa farxadda bulshada oo dhan.

Leave a Reply