Bulshooyinka Dunida Iyo Rajada Sanadka Cusub

0
682

Caadooyinka sanad kasta oo cusub lagu soo dhoweeyo waa kuwo yaab leh. Dalka Denmark marka sanadka  cusubi soo dhowaado waxa ay sii diyaariyaan suxuun iyo belaydho duug ah ah oo wakhti hore la isticmaalay kana samaysan quraarado.

Maalinta ay bisha Diisambar tahay 31, ayay suxuuntaasi ku jejebiyaan guryahooda hortiisa  iyagoo weliba ay kala soo qayb galaan saaxiibadood iyo qaraabadooda.

Ujeedada xafladan burburinta suxuunta baaliga ah ayaa ah iyagoo aaminsan inay ka horjoogsanayso kana fogaynayso sharka iyo belaayada sanadka cusub, iyo in nasiib xumadu ay raacdo sanadkaasi tegay, waxaana ay u yaqaaniin soo dhowaynta rajada wanaagga sanadka cusub.

Bulshada Dalka Argantiin ayaa iyaguna u xusa si cajiib ah bilowga sanadka cusub ee miilaadiga ah.  Dadka reer Aragntiin ayaa dhamaadka sanad kasta marka ay saacaddu gaadho 12 habeenimo xidha dhar casaan ah.   Waxaana waajib ah in qof kasta goobta kasta haka u ka yimaadee uu xidho dharkaasi isagoo weliba hor gelinaya lugtiisa midig.

Arimahaasi waxay dhacayaan marka saacaddu ay garaacdo 12 habeenimo.  Cagaha ayaa xoog u shaqaynaya marka uu bilwodo sanadka cusubi.

Leave a Reply